somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag
Xasilooni Siyaasadeed, ayaa dalka xal u ah [MAQAAL]

XASILOONI

Bookmark and Share

Xasilooni waa erey mugweyn, lehna macno balaaran, waa deganaansho ku salaysan nolol iyo dhaqaale, markay siyaasad noqotana waxay xaqiijinaysaa deganaasho maamul oo dalkeena gaarsiiya nidaam dawladnimo oo taam ah.

Bulshada soomaaliyeed waxay madax wareer iyo niyad jab ka qaaday is qabqabsiga iyo muranka siyaasadeed ee ka dhexeeya madaxda ugu saraysa wadanka, taasoo curyaamisay adeeggi ay ummadu u baahnayd.

Haddan dib u yara milicsanno dawladihii ku ragaadmay muranka siyaasadeed ee masuliyiinta ugu sareeya wadanka waxaa ka mid ahaa:

Dowladi Cabdi Qaasim Salaad Madaxweynaha ka ahaa  2000-2004 wuxuu magcaabay  sadex Raysal Wasaare oo kala ahaa:

  1. Cali Khalfiif Galaydh
  2. Xasan Abshir Farax
  3. Maxamed Cabdi yuusuf

Cabdullahi Yusuf wuxuu Raysal Wasaarayaal u magcaabay 2004-2008:

  1. Cali Maxamed Geedi Nov, 2004- Oct, 2007
  2. Nuur Xasan ( Nuur Cade) Dec, 2007- Feb, 2008

Maxaxweyne Shariif Sheikh Axmed wuxuu magcaabay 2009-20012 Sadex Raysal Wasaare:

  1. Cumar Cabdirashid Feb, 2009- Oct 2010
  2. Maxamed Cabdullahi Farmaajo Nov, 2010-Jun 2011
  3. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas July, 2011-Sept, 2012

Madaxweyne Xasan  Sheikh Maxamuud oo balan qaaday inuu meesha ka saarayo khilaafka hareeyey Madaxweynayaashii dalka soo maray iyo Raysal Wasaarayaashii ay soo magacabeen ayaa  mudo laba sano gudahooda ah ku cayriyey laba Raysal Wasaare.

  1. Cabdi Farax Shirdoon Oct, 2012-Dec, 2013
  2. Cabdiwali Sheikh Axmed Dec, 2013-Dec, 2014

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo ahaa Raysal Wasaarihii sadexaad oo la magacaabay Dec, 2014-kii ayaa ku dhawaaqay maalintii la xilka loo cimaamaday inuu ku shaqayn doono Xasilooni Siyaasadeed dalkana waqtiga yar ee dhimana uu dhamaystiri doono wadada ugu macquulsan ee dalkaan doorasho uga dhici karto.

Hanaanka dawladnimada cusub ee Soomaaliya waxaa asaas looga dhigay hanaan federal ah, in kasta oo madaxda ugu saraysa dalka qaarkood aysan diyaar u ahayn hanaankaan  ka miro dhalintiisa, taas oo abuurtay colaad hor leh oo aakhirkii horseeday is aamin darro bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, waxaana  dhismay maamulo hab qabiil u abaabulan.

Waxaa kaloo xoogaystay is jiidjiidka u dhexeeya maamul goboleedyada, kaasoo ku salaysan dhul kala sheegan iyo is qabsi xuduudeed qaarkood ula kac loo abuuray qaarna ay keentay muranka siyaasadeed.

Maamul gobolleedyada oo dawlada dhexe ayaa waxaa ka dhex taagnaan jiray is mariwaa waxaana salkeedu yahay in dawladdii federaalku ay gacan bidixaysa arrimaha mashaariicda, deeqaha waxbarasha iyo shaqaalaha dawladda, taasina waxay keentay kalsooni darro shacabka Soomaaliyeed,

Intii uu xilka hayey Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid wuxu iska ilaaliyey inuu abuurmo khilaafkii ragaadiyey hor u socodka hawlaha qaranka, wuxuuna ku dadaalay inuu soo afjaro qul qulatooyinka iyo gacan ka hadal ka dhex aloosnaa qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Raysal Wasaare Cumar isagoo fulinaya balan qaadkiisa ahaa Xasilooni Siyaasadeed ayaa mudadii labada sano ahayd wuxuu xoogga saaray siduu u taabo geli lahaa wada shaqayn dhex marta maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe. Wuxuuna dhisay gudiyo adkeeya dibu heshiisiinta iyo nabadda si looga gun gaaro  xasiloonida siyaasadeed ee wadanka.

Kobcinta dhaqaaluhu wuxuu u baahan yahay Xasilooni siyaasadeed, hadii aysan wada shaqayn ka dhaxaynin maamulada gobolada dalka waxaa adkaanaysa in ganacsi u socodo si wanaagsan, waxaa hada ka jira xuduudaha gobolada u dhaxeeya canshuuro xad dhaaf ah oo laga qaado gadiidleyda, hadii aan la is fahamsiin maamulada lana midayn canshuuraha waxaa dhibaatoyin in sicir barar soo wajahayaa shacabka Soomaaliyeed, marka arinkaas xalkiisa waxaa furo u ah in la helo xasilooni siyaasadeed.

Amniga oo ah shayga ugu muhiimsan ee taabtay qof walba oo Soomaaliyeed ayaan la xaqiijin karin hadii aan la helin xasilooni siyaasadeed. Tusaale ahaan hadii maanta ciidankii Soomaaliyeed qabiil qabiil isugu xiran yihiin, calamo gooni gooni ah iyo dhar kala nooca ah ay qabaan, meeshana ay ka maqan tahay ciidan qaran oo dalka oo dhan ka howl gala, waxaa aad u adag in muwaadinka Soomaaliyeed uu ku naaloodo amaan oo fure u ah nolosha, Xasilooni siyaasadeed waxay abuuri kartaa in la dhiso ciidan qaran oo hada qorshihiisii uu Raysal Wasaare Cumar bilaabay laba sano ka hor una baahan dhamaysitir,

Dib-u-heshiisinta: Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, waxaana kala irdhoobay shacabkii Soomaaliyeed, isu keeni doodu waxay u baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed iyo hogaan aan lagu tuhmaynin in reer hebel oo kaliya uu danahooda ka shaqaynayo, waxaa arinkaas abuuri karaa is aaminitaan iyo kalsooni, waxaana fududaanaysa in laga gaara mashaakilada jira xal waare oo dhabaha u xaara in bulshadu si wanaagsan u wada noolaadaan.

Dalalka Dariska ah iyo kuwa caalamka: Shaki kuma jiro in ay jiro xasilooni siyaasadeed in ay tahay buundada isku xiri karta Soomaaliya iyo Caalamka, maadaama aan ka soo kabanayn bur bur dowladeed iyo mid dalba waxaa lagama maarmaan  ah in caalamka aan kula noolaano.

Xasilooni siyaasadeed la’aanteed waxaa aad u adag in dalkaan la gaarsiiyo caalamka horumaray, waxaad adag in bulshada Soomaaliyeed loo muujiyo inaan nahay hal qaran iyo hal qof, waxaa adag in amniga wax laga qabto madaama ciidanku qaab beeleed u dhisan yihiin, taas oo sabab u ah kala shaki ku kala dhex jira qabiilada Soomaaliyeed, sidaas daraadeed Xasilooni siyaasadeed waa qaabka kaliya oo aan uga bixi karno dhibaatooyinkan ragaadiyey dalkeena.

A. Faarax

 

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>