somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

World News

« Prev123..............371372373374375Next »

sportsa

Bookmark and Share

Iyadoo guulaha dhinaca Sportiga ee Ciyaaryahanada Soomaalidu ka soo hoynayaan dalka dibadiisu ay isasoo tarayaan,marka laga hadlayo ciyaaraha fudud iyo K koleyga,oo wiilal Soomaaliyeed ay ugu tartamaan dalalka ay dhalashadooda heystaan sida England,Sweden,Holand Canada,iyo USA,waxaanse shaki ku jirin in ka sokow  biladaha ay ku qaadeen magaca dalalkaasi,hadana guushooda ay tahay mid ay soomaalidu leedahay.

Tababare C/xakh maxamed Axmed oo ah macalin Soomalaiyeed iminkana leyliya kooxda heerka 1-aad ee Jaguar Fc ee ka dhisan magaalada Perth ee western Austrelia ayaa taariikhda ka galaya meel sare markii kooxdaasi oo uu la joogo sanadkii 2-aad uu u qaadey Horyaalka Sundey-League Division 1 ee 2013.

Kooxda Jaguar Fc ee uu Macalinka xilkooda qabtey horaantii 2012 ayaa waxaa ay kooxda kusoo xigtey ee ay horyaalka kula loolameysay ee Noranda SC ka horeysaa 3 dhibic,iyadoo horyaalka kulamadii la dheelay urursatey 43-dhibic.

Xagaagii ugu horeeyey ee uu Macalim C/xakh qabtey xilka kooxda Jaguar FC waxaa uu keenay kaalinta 2-aad,iyadoo iminkana uu gacanta u geliyey horyaalka,taasi oo kooxdan oo dhisan mudo 50-sano ah si weeyn usoo dhoweeyeen maamulkeeda oo tababaraha la furey wada-hadalo ay ku doonayaan inuu heshiis kale la galo maadaama uu iminka ku egyahay heshiiskii 2-da xili ciyaareed ee uu kula jirey.

Tababare Cabdi Xakh oo si weyn u garanayaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed, ayaa sanadkii 2009 waxaa loo magacaabay macalinka ugu fiican markii uu ka qeybgalay tartankii jaalliyadaha ee Perth, 2010 wuxuu u suuragaliyay kooxda Soomaalida badan ay u ciyaarayeen ee ODAA FC inuu ka qeybgaliyo horyaalka  heerka 1-aad ee gobolkaasi, waxaana markaasi la gudoonsiiyey abaaal marinta ugu qaalisanayd ee (Best Coach of Tournament)

Tababare Abdi Xakh oo heysta shahaadada kubadda cagta ee heerka sadexaad  (Level 3) ayaa sidoo kale macalin u soo noqday kooxda Fremantle Spirit , ka hore intii uusan u soo wareegin Jaguar Fc,

Guulaha uu xiligan la gaaray kooxdaasi Jaguar FC kuma koobna oo keliya in kooxda sare uu u qaaday horyaalka,waxaa sidoo kale uu guulo waaweyn la sameeyey qeybaha Juniorka ee kooxda oo kaalinta 2-aad ka gashey qeybta Champion-ka ee qaaradda iyo dhalinyarada 16-sano jirka ee kooxda oo sidoo kale kula guuleystey Sunday League level 3.

Waxaana guulahaasi iyo dadaalka uu sanad waliba ka gaarayo leylinta kooxaha kala duwan,ay sababtey in xiriirka Kubadda cagta ee dalka Austrelia ay magaciisa ku daraan Tababaraasha ugu wanaagsan ee ku sugan qaaraddaasi iyagoo gudoonsiiyey shahaadooyin sare.

Mar aan weydiiyey waxa iminka u qorsheysan maadaama uu Jaguar FC ka dhamaadey heshiiskii uu kula jirey, ayaa waxaa uu ii sheegay in maamulka kooxda ay la fureen wadahadalo heshiis cusub kaga dalbayaan,walow ay lasoo xiriireen kooxo kale oo ka dhisan Perth iyo gobolada kale ee Austrelia.

 

read more...
 

Ronaldo

Bookmark and Share

Iyadoo Champions League uu dib u bilowday isbuucaan, labada ciyaaryahan ee ugu fiican tartanka ayaa min seddex gool shabaqa cusjiyay iyagoo dib u bilaabay xafiiltanka shaqsiyadeed ee ka dhaxeeya ee tartankaan Koobka Kooxaha Qaarada Yurub.

Ronaldo iyo Messi ayaa durbaba tartankooda uu wadada saaran yahay. Marka hore waxa ay aheyd Cristiano, xiddiga reer Portugal ayaa heshiiskii cusbaa ee uu u saxiixay Real Madrid waxa uu kula dabaaldegay seddexleey uu dhaliyay kulankii ay kooxdiisa 6-1 ku dubatay Galatasaray habeenkii talaadada iyadoo kooxda caasimada Spain ka dhisan ay baadigoob ugu jirto La Decima oo ah koobkii 10aad ee Champions League.

 Laakiin Leo ayaa isna jawaab ka bixiyay, xiddiga reer Argentina ayaa isna sidoo kale seddex gool shabaqa dhex dhigay kulankii ay Barcelona 4-0 ku garaacday Ajax ee ka dhacday xalayto Camp Nou. Ka dib xagaa fasax lagu maqnaa Champions League ayaa masraxada dib u soo koray iyadoo labada xiddig ee tartanka ugu fiican ay iyagana tartankooda bilaabeen.

Cristaino ayaa labo fursadood oo uu ka faa’ideystay shabaqa dhex dhigay ka hor inta uusan seddexleydiisa ku dhameystiranin gool uu isaga shaqeystay islamarkaana uu dhowr difaac kubada la maray.

Dhanka kale Messi ayaa isna goolashiisa seddexda aheyd ku bilowday laad xor toos ah oo uu si fiican u dhaliyay, ka hor inta uusan labo gool kale shabaqa si sahal ah u dhex dhigin. Labadaan xiddig ee Messi iyo Ronaldo ayaa seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay qaaday gooldhalinta Champions League: Leo ayaa 12 gool ku qaaday xilli ciyaareedkii 2010-11, waxaana uu ku darsaday xilli ciyaareedki ku xigay uu ku qaaday rikoor 14 gool ah, halka Cristiano Ronaldo uu xilli ciyaareedkii hore ku qaaday 12 gool.

 Haatan, iyadoo mid walba uu leeyahay seddex gool kaliya hal kulan oo la ciyaaray, labadan xiddig ee xafiiltanka uu ka dhaxeeyo ayaa mar kale awood ku qabsan doona kala sareynta gooldhalinta Champions League. Messi 3-3 Ronaldo: dagaalka labada xiddig mar kale ayuu bilowday.

Source:Laacib.net

SomaliaNation

read more...
 

SOMALA

Bookmark and Share

SomaliaNation-Kooxdii sanadkii hore ka ciyaareeysay heerka labaad ee horyaalka dalkeena kuna ciyaareeysay magaca Muqdisho City,hadana loo bixiyay Gaadiika ayaa biloowday tababar ay isugu  diyaarinaya ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena.

Markii loo bixiyay magaca cusub ee Gaadiidka ayaa qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee soomaaliya waxa ay soo dhaweeyeen in kooxdan loogu magac daray kooxdii gaadiidka ee caanka ka ahayd dalkeena sanadkii 1970kii.

Ciyaartooyda kooxda gaadiidka ayaa garoonka Stadium Koonis ka bilaabay tababar ay isugu diyaarinayaan ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena.

Maamulka Cusub ee kooxda gaadiidka iyo qaar ka mid ah mas’uuliyinta wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiika ayaa saaka kooxdn ku booqday garoonka ay tababarka ku sameeynayeen,waxana ay halkaasi kula hadleen ciyaartooyda,iyagoo ku dhiiri galiyay in ay ka soo dhalaalaan magaca faca weyn ee loo bixiyay.

Agaasimaha guud ee agaasinka gaadiidka ee wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiika Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kooxda ay biloowday tababarka ay isugu diyaarinayaan ka qeyb qaadashada horyaalka heerka 1aad ee dalkeena,isagoo sheegay in loo baahanyahay in ay ka soo baxaan booskii ay horyaalka dalkeena uga jiri jirtay kooxdii gaadiidka,

Cali Gacal ayaa ka waaniyay ciyaartooyda kooxda gaadiika isticmaalaan balwada oo uu sheegay in aysan u wanaagsaneeyn.

Agaasimaha Radio Muqdisho Sheekh Cabdi Raxiim Ciise Cadow oo isna la hadlay ciyaartooyda kooxda gaadiidka ayaa sheegay in loo baahanyahay in la soo nooleeyo magacyadii ay lahaayeen naadiyadii hore ee dalkeena,meelna la iska dhigo magacyada naadiyada ka ciyaara horyaalada yurub.

Agaasime Cabdi Raxiim Ciise ayaa sheegay in hadii ay iskaashadaan maamulka iyo ciyartooyda kooxda gaadiidka dib loo soo celin karo magacii caanka ahaa ee kooxda gaadiidka.

Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in naadiga gaadiidka uu ahaa naadigii ugu dambeeyay ee qaada horyaalka dalkeena loona baahanyahay in dowlada iyo xiriirkaba ay koobkasi gudoonsiyaan kooxda.

Axmed ayaa sheegay in wasiirka warfaafinta ay go,antahay in uu xaqiijiyo in kooxdan ay noqoto koox caan ka ah guud ahaan dalka soomaaliya.

Sucaado Diiriye Xasan oo ka mid ahayd ciyaartooydii kubadda koleyga ee dalkeena una soo ciyaartay gobolka Sh/Dhexe,iyo naadigii Munishibiyada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay aragto magacii kooxdii gaadiidka oo dib loo soo nooleeyay.

Wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa dadaal dheeraad ah ku bixiyay dib u soo nooleeynta magaca kooxdii gaadiidka oo ka mid ahayd kooxihii sida weyn caanka uga ahaa horyaalka dalkeena kuna guuleeysatay koobab fara badan

Source: Radio Muqdisho.

SomaliaNation

Muqdisho-Somalia

read more...
 

LALISKA

Bookmark and Share

SomaliaNation Waxaa sii korordhay rajada laga qabo in Soomalaiya ay soo ceshato awoodii ay ku dhex  lahayd kubada laliska caalamka kaddib markii xiriirka Soomalaiyeed ee kubada laliska uu kasoo djhex muuqaday shir weynaha ururka kubada laliska eebariga iyo Bartamaha Afrika markii ugu horeysay tan iyo markii dalku bur biray sanadkii 1991-kii, shirkaas oo ka dhcay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidaasi waxaa war saxaafadeed uu maanta soo saray kus heegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee  kubada Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey oo xilkaasi loo doortay bishii Maarso ee sanadkan.

Soomalaiya waxaa shirkaas ku matalay guddoomiyaha Xiriirka Soomalaiyeed ee kubada Laliska Injineer Cabdul qaadir Cumar Abuukar oo kulanka ka sheegay in gudigiisa cusubi uu ahmiyad weyn siinayo in kubada laliska hoos lagasoo dhiso.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomalaiyeed ee kubada Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay maanta oo isniin ah in ka qeyb galka shirka noocan oo kale ah ay Soomaaliya u tahay talaabo weyn oo horay loo qaaday maadaamabuu yiri Soomalaiya ay ka maqneyd fagaarayasha kubada laliska caalamka muddo ka badan22 sanadood oo dalku soo maray dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa ee caalamka ka dhacay.

“Marka si loo fiiriyo kubadda lalisku way jirtay waxaana jiray dhaq dhaqaaqyo aan sidaa usii xoogbadneyn oo dalka ka socday laakin waxaa Soomalaiya ay ka maqneyd fagaareyaasha caalamka, talaabadan ugu dambeysaay waxaa ay si weyn u farxad gelisay umada Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaana taageerayasha kubada Laliska—Tan iyo markii uu gudoomikyeheenu kasoo muuqday shirka CAVB Zone 5 boqolaal dhambaal oo hambalyo ah ayaa xafiiskeena kusoo shubmayay, sababtoo ahshacabka Soomalaiyeed aad ayay ugu faraxsanyihiin  dib usoo noqoshada sharaftii kubada laliska ee dalkeenu lahaan jiray”ayuu war saxaafadeedkisa ku yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomalaiyeed eekubadda Laliska Maxamed Abuukar Xiirey.

War saxafadeedka waxaa kaloo lagu xusay intii shirku socday14-15-kii bishan in guddoomikyaha Xiriirka Injineer Cabdul Qaadir Cumar Abuukar uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii shiirka kaso qeybgashay oo uu ka mid yahay gudoomiyaha ururka kubada Laliska Qaaarada Afrika Dr.Amr Elwani kuwaasoo dhamaantood balanqaaday inay Soomalaiya ka taageeridoonaandhanka horumarinta kunafarxay dib usoo laabashada Soomaaliya.

“Kaddib talaabadan guusha leh waxaanu qorsheyneynaa in aan ka qeybgalno shir weynahay ururka kubadda Laliska Afrika oo ka furmi doona dalka Masar 9-ka bisha September ee 2014-ka iyo kancaalamiga ah oo isnalagu wado in uu dalka Poland ka furmo 21-ka isla September sanadka dambe”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomalaiyeed ee kubadda Laliska Mudane Maxamed Abuukar Xiirey maanta oo isniin ah.

War saxaafadeedka waxaakaloo lagu sheegay in xiriirkan dhowr-ka bilood jira ay qorshaha ugu jirto in uu culeyska saaro dib usoo nooleynta kubada Laliska dugsiyada dalka, qabashada horyaalo xoog badan iyo in kubadda laliska hoos agasoo dhiso oo caruurta lagu barbaariyo kubadda laliska.

Somali Sports Press Association

read more...
 

FIFA

Bookmark and Share

Markii ugu horeysay muddo ku dhawaad 10 sanadood ah ayaa masuul sare

oo ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ka mid

noqday masuuliyinta maamuli doona cayaaraha koobka aduunka ee FIFA

beach soccer world cup ee bishan 18-keeda ka furmi doona dalka Tahiti,

waxaana tani ay tusaale weyn u noqoneysaa in Soomaaliya ay kusoo

laabatay maamulka sare ee cayaaraha Adduunka kaddib Faarax wehliye

Cadow Sendiko.

 

Xoghayeha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi

Qani Saciid Carab oo bishii  December 2011-kii loo magacaabay in uu

xubin ka noqdo FIFA  ayaa markii ugu horeysay hada ka mid noqday

guddiga sare ee loosoo xulay in ay maamulaan tartanka caalamiga ah ee

FIFA beach soccer world cup oo dalka Tahiti ka dhici doona inta u

dhexeysa 18-28 ee bishan September.

 

“Tani waa talaabo weyn oo horay loo qaaday waxaana ay tusaale cad u

noqoneysaa dib usoo noolaashada sumcadii Soomaaliya ay ku dhex lahayd

maamulka sare ee FIFA  wixii ka dambeeyay markii FIFA ay ganaax

saartay guddoomiyihii hore ee xirirka Soomaaliyeed kana mid ahaa

guddiga FIFA Alle ha u naxariistee Faarax Wehliye Cadow Sendiko”ayuu

yiri madaxa xafiiska warfaafinta ahna afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed

ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin Abuukar “Islow”

 

Cabdi Qani ayaa noqonaya qofkii labaad ee Soomaaliyeed oo darajo

heerkan oo kale ah ka gaara FIFA, waxaana ka horeeyay oo keliya Faarax

Sendiko.

 

“Dib ayay hada Soomaaliya ugusoo laabatay masraxa maamulka sare ee

cayaaraha FIFA waxaana ay taasi dhiiri gelineysaa dhamaan umada

Soomaaliyeed”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka

ahna xubin ka trisan ururka kubada cagtabariga iyo bartamaha Afrika ee

CECAFA Shaafici Muxuyadiin.

 

“Mr Cabdi Qani Saciid Carab waa nin aad u fir fircoon waxaana uu horay

saameyn weyn ugu dhex lahaa ururka CECAFA oo uu guddoomiye ka yahay

guddiga qaban qaabada tartamada CECAFA, waxaa uu ka mid yahay

dhalinyarada sida aadka ah u shaqeeya ee uu kalsoonida weyn ku qabo

guddoomiyaha FIFA Jopseph S Blatter” ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri

afhayeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin.

 

Soomaaliya waxaa ay horay dhowr xubnood ugu lahady guddiyada CAF iyo

CECAFA oo kala maamula kubada cagta Afrika iyo tan bariga iyo

bartamaha Afrika. Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa loo tix geliyaa in

uu ka mid yahay dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay naftoodana u huray

in kubada cagta Soomaaliya ay sii socoto 20-kii sano ee lasoo dhaafay

oo dalkan Soomaaliya ay dagaaladu la dageen kubada cagtana ay ay

kooxaha Islaamiyiintu mamnuuc ka dhigeen markii ay dalka qabsadeen

2006-dii .

read more...
 
« Prev123..............371372373374375Next »