somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

World News

« Prev123..............371372373374375Next »

go0os

Bookmark and Share

 

Gudiga fulinta ee Olombikada Soomaaliya ayaa hotelka Shamow ee Muqdisho ku yeeshey kulan balaaran oo looga hadlay arimaha horumarinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha dalka iyo ka qeybgalka tartamo iyo shirar ka dhacay dalka dibadiisa.

Shirka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha  GOS  C/laahi Axmed Tarabi ayaa warbixino looga dhagaystey xoghayaha Olympikada Duraan Axmed Faarax oo sharaxaad ka bixiyey howlihii dalka dibadiisa ee GOS ay qabatay bishii December isagoo soo hadal qaadey ka qeybgalka shirar ka dhacay dalal ay kamid tahay RUWANDA,iyo ciyaarihii dalalka carabta ee Indonesia oo ay ka qeybgaleen wafdi iyo ciyaartoy uu hogaaminayey madaxa arimaha carabta ee GOS Cumar Baarajab.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa warbixino looga dhagaystey qaar ka tirsan gudoomiyayaasha zone-ka oo iyaguna goob joog u ahaa,waxaana ay ka warbixiyeen howlaha dhinaca ciyaaraha ee gobolada ay wakiilka uga yihiin GOS.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu go’aamiyey in gudiyo loo diro gobolada dalka si halkaasi looga baadi goobo ciyaaryahano dhinaca ciyaaraha fudud qeybaheeda kala duwan,maadaama la doonayo in ciyaaraha olombikada ee 2016-ka Rio de jenero,Somaliya uga qeybgasho noocyo kala duwan oo ciyaaraha fudud kamid tahay 

Gudiga ayaa soo ururin doona ciyaaryahanada ku wanaagsan ciyaaraha fudud kuwaasi oo la keeni doono Muqdisho si ay tababaro ugu qaataan ,kadib la kala saari doono oo qeybtii ugu wanaagsan la geyn doono dalka Ethiopia si ay ugu soo qaataan tababaro buuraha dhaadheer ee dalkaasi oo inta badan ciyaaryahanada caalamiga ee ciyaaraha fudud tababarka ku qaataan.

read more...
 

somaliya vs

Bookmark and Share

 

Iyadoo magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia uu ka soconayo tartanka Perth World cup 2013 ayaa cayaartoyda ku cayaareysa magaca dalka Soomaaliya waxaa ay cayaarta ugu soo horeysa ee tartankan la yeelanayaan cayaartoy dalka Brazil, waxaana xulka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009 ay ahaayeen xulka ugu adag tartankan caalamiga ah.

Cayaarta dhex mareysa Somalia iyo Brazil ayaa dheceysa maalinta Axada ah oo taariikhuduna ay ku beegan tahay 13-ka October 2013 .

Xulka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Macallinka Khabiirka ah Macallin Cabdul Xaq Maxamed Axmed Gool hayihii hore ee cayaartoydii gobalka Jubada hoose bari samaadkii, gobalkaas oo ahaa kii ugu guulaha badnaa cayaarihii gobalada dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2009-kii waxaa Macallinka iyo wiilashiisu ay wacdare ka dhigeen cayaaraha koobka aduunka ee Magaalada Perth oo ah tartan caalami ah oo loo qabto jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalka Australia, waxaana sanadkaas ay Soomaaliya tartanka kaga qeyb gashay laba xul oo kala ahaa xulka waaweyn iyo kuwa da’doodu ka yartahay 18-ka sano.

Sanadkaas xulka Soomaaliya ee U 18 waxaa ay ku guuleysteen koobkii dhalinyarada oo ay cayaarti finalka xulka South Afrika kaga adkaadeen 1-0.

Sidoo kale xulka waaweyn ee Soomaaliya waxaa sanadkaas ay galeen kaalinta labaad.

Macallinka Xulka Soomaalida ku nool Australia Macallin Cabdul Xaq Maxamed Axmed waxaa uu shgeegay inuu kalsooni buuxda ku qabo wiilashiisa uuna rajeynayo in ay ka adkaadaan xulka la dagaalami doona ee Brazil oo uu sheegay in ay ku jiraan cayaartoy ay dalkooda kasoo kexeysteen oo horyaalkda Brazil ka dheela.

“Waxa aan u socono waa tartan mar kasta oo aad tartan galeysana waxaad ku talagaleysaa guul ama guul darro, laakin anigu qof ahaan kalsooni weyn ayaan ku qabaa wiilasheyda waxaana rajeynayaa in ay gacan sareyn doonaan”ayuu yiri macallinka kooxda Soomaalida Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed.

Cayaarta dhex mari doonta Somalia VS Brazil ayaa ah mid aad looga hadal hayo dalka Australia gaar ahaan magaalada Tartanku ka socdo ee Perth maadaama labada xul loo arko kuwa ugu awooda badan tartanka.

Cayaartan adag waxaa la dheeli doonaa Axada 13 October 2013 saacadu marka ay tahay 16:45 daqiiqo xiliga dalka Brazil.

Tartankii 2009-kii waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee macallinku uu ku hogaamiyo xulka Soomaalida waxaana ay isla sanadkaas dhigeen wacdare iyadoo guulihii la yaabka lahaa ee xulka Soomaaliya ay u dheceen sidan: Somalia 10 Ukraine 2, Somalia 6 Colombia 1 iyadoo cayaarti kama dambeysta ahadyna ay wiilsha Soomaaliya ka adkaadeen south Africa 1-0.

Axadda oo bishu tahay 13 waxaa jira cayaaro aad u ad adag oo group-ka Soomaaliya ku jirta ay dheelayaan waxaana leysu arkayaa sidan hoose:

10:00 hrs England v Australia (M)

11:30 hrs CROATIA v IRAQ (S) 13:15 hrs ZIMBABWE v GREECE (S)

15:00 hrs ITALY v S. LEONE (S)

16:45 hrs BRAZIL v SOMALIA (S)

Hadaba xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay talaabooyinka uu qaadayo macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed oo isaga iyo wiilashiisu ay guulo waaweyn usoo hooyeen Soomaaliya tan iyo 2009-kii markii ugu horeysay oo ay ka qeyb galeen Perth World Cup.

“Inkastoo ay yihiin dad dalkoodii ka cararay kuna nool dal shisheeye hadana waa kuwo niyadoodu ay dhisan tahay waxaana ay qabaan rajooyin waaweyn –waxay xambaarsan yihiin calanka Soomaaliya waxaana aad ugu farax-sanahay howsha ay hayaan”ayuu yiri guddoomiyaha xiririka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Cali siciid Guuleed Rooble.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkii 2010 uu xiriirka Soomaaliyeed qoraal u diray xiriirka kuabda cagta dalka Australia kana codsaday in macalinkaas iyo cayaartoydiisa la gacan siiyo waxaana wixii ka dambeeyay macalinka lagu marti qaaday ka qeyb galka tababarada heerkoodu sareeyo ee xiriirka Australia qabto iyadoo maclainka oo khibradiisu aad u dareyso uu mar kale Soomaaliya usoo hooyay guulo la taaban karo kaddib markii uu kaalinta ugu horeysay ka galay koorsooyinkii la qabtay dhowr jeer oo kala duwan.

Waxaa uu guddoomiyuih sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu si buuxda uga war qabo howsha macalinku uu u hayo umada Soomaaliyeed waxaana rajeyneynaabuu yiri in uu mustaqbalka dhow la yimaado cayaartoy tayo leh oo magaca soomaaliyeed ku matala cayaaraha caalamiga ah ee FIFA iyo kuwa Afrika.

Sanadkii 2009 ayay ahady markii maclainka Soomaalida loo aqoonsaday macalinkii ugu wanagsanaa tartankii Perth World cup oo ay ahayd sanadkii ugu horeyeey ee uu ka qeyb galo isagoo wata xul Soomaaliya matalaya.

Tartankan caalamiga ah oo lagu qabto magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia caasimada u ah ayaa ah mid taariikh fog leh waxaana lasoo bilaabay qabashadiisa sanadkii 1977-kii, laakin Soomaaliya ayaa ku biirtay tartankaas 4 sanadood ka hor.

Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa macalinkeeda la siiyay abaal marinta macalinkii ugu fiicnaa tartanka.

 

read more...
 

maamulka

Bookmark and Share

 

maamulka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa socdaal howleed ku tagay garoonka kubada cagta Sadium Banaadir oo dhismihiisu heer gaba gabo ah marayo.

Garoonka ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto tartanka horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo naadiyada ka qeyb galaya ay mudodoyinkan diyaar garow ku jireen.

Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble oo hogaaminayay xubno ka tirsan guddiga qiimeynta dhismaha garoonka ayaa soo kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka sida qolalka labiska cayaartoyda, qeybaha nadaafada, hoolka loogu talagalay in lagu qabto shirarka jaraa’id cayaarta kaddib, iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale soo kormeeray in adeega koronto ee garoonku shaqeynayo, waxaana ujeedada kormeerku ay ahayd in lasoo hubyo in garoonku u diyaarsan yahay marti gelinta tartanka horyaalka heerka 1-aad oo ah tartanka ugu xiisaha iyo shacbiyada badan dalka Soomaaliya.

“Waxaa ay noqon doontaa guul weyn iyo talaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday hadii horyaalka dalka lagu qabto garoonk heer caalami ah, inta badan shacabka Soomaaliyeed aad ayay u jecelyihiin cayaarta kubada cagta, waxaana mar kasta aragna adad aad u farabadan oo na weydiinaya xiliga horyaalku furmi doono, taas ayaana muujineysa in dadweynaha Soomaaliyeed ay aad u dhararayaan bilowga tartanka”ayuu yiri guyddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble oo war saxaafadeed soo saaray kaddib markii uu xaalada garoonak soo indha indheeyay.

Guddoomikyaha ayaa ugu bishaareeyay dad-weynaha Soomaaliyeed ee kubada cagta jecel in horyaalka dalka ee heerka 1-aad uu si rasmi ah u furmi doono 18-ka bishan.

Waxaa uu Guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble sheegay in helitaanka garoon casri ah oo lagu cayaaro horyaalka dalka ay sii kordhin doonto xiisaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ay uq abaan kubada cagta, maadaama buu yiri qof kasta uu doonayo in uu soo booqdo garoonkan oo noociisa oo kale aanu dalku horay u lahayn.

“Maanta aniga iyo wafdigeygu waxaan soo kormeernay garoonka stadium Banaadir waxaana go’aan uu xiriirku ku gaaray markaa kaddib in tartanka la bilaabo,howsha dib u dhiskuna ay kasii socoto qeybaha kale ee garoonka, sababtoo ah waqti ma heysano oo jadwalka wax qabad ee xiriirkana aad ayuu u buuxaa, sidaa daraadeed tartanku waa bilaabanayaa maadaama ay noo yaaliin howlo aad u farabadan oo ay ka mid tahay qabashada tartanka gobolada dhamaadka sanadka”ayuu guddoomiyuhu ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Tartanka horyaalka ayaa sanadkan la qiyaasayaa in uu soo jiidan doono taageerayaal ka badan kuwii hore maadaama ay jiraan dad weyne Soomaaliyeed oo gobollada dalka uga imaanaya daawashada tartankan oo lagu qabanayo garoon heer caalami ah markii ugu horeysay.

Waxa kaloo jira dadweyne Soomaaliyeed oo dibadaha kasoo laabanaya kuwaas oo doonaya in ay horyaalka dalkooda ku daawadaan gudaha dalka markii ugu horeysay muddo ka badan 20 sanadood,halka markii hore ay warbaahinta kala socon jireen

read more...
 

lionel_messi_vs_cristiano_ronaldo

Bookmark and Share

 

Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa sheegay in kulanka ugu soo horeeya El Clasico ee dhexmaraya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid in la ciyaari doono 26ka bishaan 7pm Saacada Geeska Afrika.

Tebas ayaa u sheegay barnaamij ka baxa idaacad Isbaanish ah oo la yiraahdo Carrusel Deportivo in waqtiga ay ciyaarta dhaceyso in la go’aansaday ka dib wadatashiyo badan.

LFP ayaa ka fiirsanayay in ciyaarta la ciyaaro 5pm Saacada Geeska Afrika, laakiin Tebas ayaa xaqiijiyay in la isku raacay in la ciyaaro 7pm Saacada Geeska Afrika

Horyaalka La Liga ayaa raadinaya inay isbedel ku sameeyaan waqtiyada la ciyaaro kulamada muhimka ah, iyagoo doonaya inay suuq fiican ka helaan Aasiyada fog, si la mid ah Premier League oo halkaas suuq weyn ku leh madaama kulamada intooda badan la ciyaaro duhuradii iyo galabtii.

Kulanka ugu soo horeeya ee El Clasico ayaa noqonaya kulankii ugu horeysay ee ay isaga horyimaadaan macalimiinta Carlo Ancelotti iyo Tata Martino.

read more...
 

12

Bookmark and Share

Waxa dhawaan Dalka weynaha Ruush lagu qabtay shirweynahii 49aad ee Xiriirka Addunka ee Ciyaaraha Fudud oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo IAAF,waxaana sanadkaan ka soo qeyb galay 206 Dawladood oo ay ku jirtay Madax ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo ka qeyb galay shrweynahaasi  2013.

Madaxdii shirkaasi qiimaha leh u meteshay Ummadda Soomaaliyeed waxaa kamid ah, Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Dr. Maxamed Cali  iyo Agaasimaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud(The Director Of Somali Athletic Federation) Mudane Inj. Cabdulqaadir Caraale,waxaana waxyaabihii laga hadlay oo diiradda la saaray ugu muhimsaan Horumarinta Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya madaama Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ay guulo lagu faani karo ay soo hoyiyeen 40kii sano ee ugu dambeysay laga soo bilaabo Marxuum Cabdule Nuur Waasughe illa laga soo gaaro Guushii weyneyd uu soo hoyiyey Halyey Cabdi Bile Cabdi,guulahaasoo maanta qiimo u yeelay magaca Ummadda Soomaaliyeed waajibna ka dhigeysa in la baadi goobo dhalinyaro soo hoyisay guulahaas oo kale ama kuwa ka wanagsan.

Mudane Dr. Maxamed Cali iyo Inj. Cabdulqaadir caraale waxay la shireen intii uu socday shirweynaha Maamulka Afrika ee Ciyaaraha Fudud gaar ahaan kuwii ka socday Afrikadda Bari,waxay kaloo shir albaabadda u xiranyahay la galeen Dawladaha carabta kuwooda ugu qaabilsan Cayaaraha Fudud,Guddiga Horumarinta Olympigadda iyo Olympic Solidaraty,waxayna dhamaantood la socodsiiyeen qorshaha uu Xiriirka Soomaaliyeed u degsan kaa oo ah in la hormariyo,baadi goob loo galo inta awooda saamaxeyso si mar kale loo tiigsado guulahii lagu yaqaanay Ciyaaraha Fudud ee Soomalia,waxayna dhamaan ururadaasi ay la shireen waxay ka heleen ballanqaadyo ku wajahan kor u qaadida Ciyaaraha Fuduud ee Soomalia.

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Dr. Maxamed Cali iyo Inj. Caraale waxa ay Mahad aan la koobi karin ay hawadda u marinayaan Safiirka Soomaaliyeed ee u fadhiya Ruushka Mudane Amb. Maxamed Xandulle oo muujiyey dadaal aan la koobi karin sidii qeyb aanu uga qaadan laheyn Ciyaarahasi,waxaana mar kastaba ka muuqatay Shucuur Soomalinimo oo uu diyaar ula ahaa garab istaaga Guddigaasi iyo Ciyaartoyda ka qeyb galeysay tartankaasi,sidoo kale waxa har iyo habeen u taaqnaa

Maxamed yare oo ka mid ah ardayda halkaa wax ka baratay..,waxa kaloo wafdigaasi ka mid ahaa Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi warsame Isaaq iyo Ciyaaryahan Cumar Cabdi oo runtii loo hanweynaa laakiin dhawac gaaray awgiis uusan si buuxda uga qeyb galin,laakiin waxa la hubaa in mustaqbalka uu guulo u soo hoyin doona Ummada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii Dr. Maxamed Cali iyo Inj. Cabdulqaadir caraale waxay Ummadda Soomaaliyeed  gaar ahaan Bahda Isboortiga gacan lagu siiyo shaqada baaxadda weyn oo ay u istaageen.,waxaan kaloo codsaneynaa in Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud(Wiilal iyo Gabdhaba)laga codsanyaa in ay la soo xiriiraan Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud si mustaqbalka dhaw aanu uga muuqano Garoomadda Caalamiga ah,sidoo kale warbaahinta kala duwan ee Soomaaliyeed iyagana laga codsanayaa in ay qorshahaan nagu garab siiyaan,waxaana rajeyneynaa in qorshahaan uu socon doono 2013-16.

Waxaana uu shirkii ku soo dhamaaday guul iyo reyn-reyn.

read more...
 
« Prev123..............371372373374375Next »