somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

Warkii Somali Nation

« Prev1234..............165316541655Next »

KHAYRE

Bookmark and Share

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa falalkan inay sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan.

Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna alle uga baryay inuu janadiisa geeyo.

—-DHAMMAAD—-

read more...
 

DHAWAC DHAWAC

Bookmark and Share

Ku dhawaad  10 Qof ayaa  geeriyootay  tiro intaa ka badana waa ay ku  dhawacmeen  qarax baabur loo adeegsaday oo Maanta ka dhacay agaagarka Hotel Wehliye ee Magaaladda Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa  dadkii gacansiga ku lahaa   halka uu qaraxa ka dhacay iyo kuwo kale oo marayay wadada oo ku jirtay xiliyadii ugu mashquulka badnayd

Dhanka KALE  Qaraxa ka dhacay Degmada wadajira    gaar ahaan  ilinka hore ee Warshada NacNac oo lagu tababaro Ciidanka Miliriiga Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa waxa ku dhintay qofkii gaariga waday   halka saddax  kale oo shacab ahna ay ku  dhawacmeen

read more...
 

DHAWAC 1

Bookmark and Share

Mamulka Isbitaalka Madiina ee  Magaalada Muqdisho ayaa faahfaafin ka bixiyay dhaawacyada , dadkii  ku waxyeeloobay  qaraxyadii  ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay  in 4, Qof dhawacii soo gaaray ay u geeriyoodeen  halka  tirade kalana   ay  ku hayaan dabiib  caafimaad.

Dhabnka kale waxa soo hagagaysa xaaladda Caafimaad  Wariye Xamiid Karazayi oo ka tirsan Telefishanka Universal oo shalay ku dhawacmay  qarax loogu xiray  gaarigiisa.

read more...
 

caruur-348x170

Bookmark and Share

Shan Qof ayaa lagu soo waramayaa in   xanuunka Jadecada ay ugu geeriyoodeen Degaano ka tirsan Gobolka Sool.

Inta badan dadkan Jadeecada  soo riday ayaa  u badnaa caruur da’ ahaan  ka yar  shan sano, waxana ku jira  caruur walaal ah.

Dhaqaatiirka Isbitaalka  Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay ka wal wal qabaan xaaladda  caruurta  cudurada uu soo  ridanayo ee samaysay abaaraha ka jira dalka.

read more...
 

NEWS HOUR ok

Bookmark and Share

Waxgaradka  Gobolka Nugaal  ayaa xal ka  gaaray  gadood maalmo ka hor  ay sameyeen Ciidan ka tirsan Maamulka Puntland.

Sidii wax loogu qaban  lahaa arintan waxa waayadan ku hawlanaa  Saraakii iyo  Cushaada Gobolka Nugaal.

Ciidankan ayaa qabsaday intii godoodka mushaar la’aanta ay ku jireen kantaroolka Magaaladda Garoowe ee xaruunta Puntland.

read more...
 
« Prev1234..............165316541655Next »