somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

Horumarka / Development

« Prev123..............9293949596Next »

Bookmark and Share

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeeray koboc iyo horumarada dhaqaale ee Bankiga dhexe iyo Dekedda Muqdisho, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Wasiirada Maaliyadda, Howlaha guud, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisan ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Bankiga, isaga oo ka dhegeystay warbixin Maaliyadeedka dawladda iyo horumarka ay hiigsanayaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu kormeerkiisan soo gabagabeeyey warbaahinta u sheegay in ujeedada kormeerkani uu ahaa sanad kadib isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira illaha dhaqaalaha dawladda, wuxuuna xusay inay jirto isbedel iyo koboc dhaqaale oo aad u ballaaran.
“Waxaan si fiican ugu kuurgalay isbedelka dhaqaale iyo horumar ee ka jira Bankiga dhexe iyo Dekadda, waxayna ii sheegeen mas’uuliyiinta Dekadda in kororka dhaqaale ee Dekedda ee sanadkii hore iyo sanadkan uu yahay Boqolkiiba todobaatan iyo labo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, isaga oo sidoo kalena xusay in dakhliga qeybo badan oo ka mid ah dekadda lagu sameeyey horumarin.
“Maadaama Dekada Muqdisho ay tahay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha ka soo galo dawladda, waxaan ku talo jirnaa inaan iskaashi la sameyno shirkad Turki ah, si ay u ballaariso, u casriyeyso isla markaana maalgelin xoogan ugu sameyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Maareeyaha Dekada iyo kuxigeenadiisa.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa xusay in ahmiyadda koobaad ee dawladda ay tahay sugidda amniga, balse ay muhiimad gaar ah siinayaan bobcinta dakhliga dawladda iyo maalgashiga.

read more...
 

Saxafiyiinta

Bookmark and Share

 

Saxafiyiinta

 

Waayadii dambe waxaa soo ifbaxayay in saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka howlgala magaalada Muqdisho ay ku kala aragti duwanaayeen sharci saxaafadeedkii ay soo diyaarisay wasaaradda Warfaafinta ee Mudane Ciilmooge.

In badan oo saxafiyiinta reer Muqdisho ah iyo kuwa kale oo ku sugan gobollada dalka iyo meelo kale oo caalamka kamid ah ayaa sheegay inaysan qaadan Karin wax hadhow lagu caburinayo.

Waxa ay ka didsanaayeen in sharciga maanta la ansixiyo berri uu caqabad ku noqon karo gudashada howlmaalmeedkooda maadaama markii hore iyagu aysan ka qeyb ka ahayn diyaariyeyaashii soo sameeyay Sharcigaasi.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxay cadeynayaan inaanay raali ka ahayn in la caburiyo warbaahinta xorta ah, isla markaana dowladda ay jawaab iyo raali galin ka bixisaa sababtii afka loo qabtay Idaacadda Shabelle oo ahayd mid maxalli ah.

Inkastoo wariyeyaashii la xiray iyo maamulkii la xirnaaba ay dib u heleen xuriyaddooda haddana saxaafadda madaxa bannaan waxay muujineysa in weerarkii lagu xiray Warbaahinta Shabelle uu ahaa mid gardarro ah oo aan laga fiirsan.

All

Wariyeyaal

Soomaaliduna waxay tiraahdaa Hubsiimo hal baa la siitay oo ay ula jeedo in ay wanaagsan tahay in qof walba oo iska hubiyaa go’aan kasta ee uu qaato waxa kaga imaan kara iyo in marka hore uu haboon yahay in la sameeyo.

“Looma baahna in la caburiyo warbaahinta xorta ah oo la sheego in Soomaaliya ay ka hanaqaaday wixii ka dambeeyay bur-burkii Xukuumaddii Jaalle Siyaad”

Saxafiyiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxa ay codsanayaan in dowladda Federal-ka oo ah dowladda Soomaaliyeed ee maanta dalkayaga ka jirta in sheegto sababta rasmiga ah ee Shabelle iyo shaqaalaheeda loo dhibaateeyay.

Wariyeyaasha Madaxa bannaan kuma qanci doonaan wax walba oo lagu dhibaateynayo amaba lagu caburinayo saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

>Waa su’aalo igu soo laab-laabatay dhowr jeer haddana aan u waayay wax jawaab ah mar walba oo aan weydiiyo maskaxdeeda, waxa lagu maagay Shabelle???

-Shabelle, wax walba shaaca ka qaad!

-Shabelle waxay ku caan baxday wax walboo shaaca laga qaado!

-Shabelle, media-haas sharafta lahoo

-Aan la shaacin waxa lagu maagay

-Shaarkaa dowladeed in nagula dhibaateeyo

-Yeeli meyno waxaan rabnaa sheege

-Shacabkayagaa inagu doortay

-Runta inaan sheegnee

-Shaqada aynu heynaa

-Kaaga lama showreyno Adigee!!!

-Gadaal ka shalaayoow

-Sheekadaadii dhammaatay

 

 

 

22

 

11

 

W/D: Wariye Maxamed Cabdullaahi Maxamed

read more...
 

ninculus ok

Bookmark and Share

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay fanaankeena Soomaaliyeed Xuseen Shire Ciyaar Jecel oo  ka mid ah kooxda Qeylo dhaan.

Dadka soo dhaweeyay fanaanka Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqaneeysay sida ay ugu farxsan yihiin imaansha fanaankan,iyadoo dhankiisa fanaanku uu aad ugu faraxsanaa imaanshaha dalkiisa iyo waliba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey muqdisho..

Abwaan Maxamed Xussen Owliyo oo kamid ahaa abwaaniintii soo dhaweneysay fanaan Xuseen Shire ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu farxsanyahay imaanshaha fanaanka,isagoo sheegay in imaanshaha fanaaniinta iyo abwaanada ee muqdisho ay muujineeyso nabadda ka dhalatay dalka.

Sidoo kale fanaan Xuseen Shire Ciyaar jecel oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in mudo ka dib uu dalkiisa hooyo dib ugu soo laabto isla markaana uu dhibka la qeybsan doono shacabka soomaaliyeed.

read more...
 

saacid

Bookmark and Share

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida, gudoomiyaha gobolka Istanbul Mudane Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga dalka Turkiga, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu kula dardaarmay ardaydan in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee dalka Turkiga ay ku haystaan isla markaana ay dhowraan sharafta dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay doorka dawladda turkiga ee dib u dhiska dalka.

“Waxaan u aqoonsanay 19, August 2011 maalinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa in ay sanad kasta u dabaal dagaan maalintaasi oo ku beegan markii Ra’iisul Wasaaraha Turkigu uu booqday dalka Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxaa ay miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliyeed ee shaqada aan ku wadno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka qaybgalay casho casharaf ay si wadajir ah ugu sameeyeen magaaladda Stanbul gudoomiya gobolka Stanbul Mudane Huseyin Avni Mutlu iyo marwadiisa Mutlu.

Kulankan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd mashaariicda kala duwan ee dalka ay fulinayaan sida amniga, ganacsiga, waxbarshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.Gudoomiyaha gobolka Istanbul waxaa uu balan qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay duqa Stanbul iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka Turkiga iyadoo laga dooday iskaashiyo kor loogu qaadayo ganacsiga iyo maalgalinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burburkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay.

read more...
 

Qoomaal

Bookmark and Share

Fanaanka Caanka ah ee Maxamed Axmed Qoomaal ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho shumis ku bilaabay Ciida Muqdisho, isga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu yimaado in kabadan 20 sano keddib ee uu ka maqnaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,

Waayihii u danbeeyay waxaa dalka ku soo noqonayay fanaaniin  badan oo dalka ka maqnaa mudadii burburka,  iyada oo fanaaniintaasi qaarkood uu casuumay maamulka gobolka Banaadir, kuwaa oo sameeyay bandhig faneed ay u riyaaqeen dadka reer muqdisho.

Afhayeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Macalin Abiikar ayaa waxay sheegtay in ay ku faraxsanyihiin haddii ay yihiin ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed in muqdisho uu soo gaaro fanaanka weyn Qoomaal, iyada oo sheegtay in muqdisho ay ku soo dhaweynayaan..

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu ku faraxsanyahay in faanaaniinta Soomaaliyeed  Muqdisho ay yimaadaan, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Caasimadda Dalka uu yimaado Fanaan Axmed Maxamed Qoomaal, isaga oo intaasi ku daray in waqtiyada soo socda ay imaan doonaan Fanaaniin kale oo qurbaha ku sugan.

read more...
 
« Prev123..............9293949596Next »