somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

Business / Anacsiga

1

Professor Liban Egal @ Somaliantion

Bookmark and Share

Degaano dhawr ah oo ku yaalla Maamulka Puntland ayaa waayadan waxa socdaalo ku kala bixinaya Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ganacsato Shisheeye si ay ugu koor galaan fursadaha banaan ee xaga Maalgashiga iyo hormarka Degaanada Maamulkaas.

Xubnahan gaaray Degaanada Maamulkaas waxa si wayn halkaas ugu soo dhaweyay Madaxda Maamulkaas kuwaas oo bogaadiyay talaabada Aqoonyahnada Soomaliyeed ay ku doonayaan Maalgashiga Puntland

Kulan Madaxda Puntland ay la qaateen Ganacsatadan iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa lagu bogaadiyay sida Aqoonyahanadan Soomaaliyeed isku dhabar jibinayaan ka faa’ideysiga fursadaha banaan iyo maalgashiga Kheyraadka Dabiiciga ee Ilaah ku manaystay Puntland.

Intii halkaas ay ku sugnayeen waxa ay shirar kala duwan oo jeedkoodu ahaa maalgashiga Degaanada iyo ka faa’ideysiga Khayraadka la qaateen qaybaha Bulshada iyo Maamulada halkaas ka jira.

“Ujeedka safarkan waa sidii daraasaad ugu samayn lahayn dhamaan degaanada Puntland isla markaana maalgashi loogu samayn lahaa Khayaardka Badda iyo Bariga iyo ka qayb qaadashada hormarka baaxada leh ee ka socda Puntland “ sidaa waxa warfidiyeenka u sheegay Proff Liibaan Cabdulaahi Cigaal oo horkacayay wafdigan.

Maamulka Degaanada Xeebaha oo ay wehliyaan   Haldoorka Degaanka iyo wafdiga uu horkacayay Aqoonyahan Prof Liibaan Cabdulaahi Cigaal ayaa dhaxmaray kulamo diirada lagu saaray   baahiyaha dhanka Ganacsiga, Adeega Bulshada iyo Xasiloonida.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

 

read more...
 

Kaalin Muqdisho

Bookmark and Share

Ganacsiga Shidaalka ee  hareeraha wadooyinka ayaa sara kacay, taas oo keentay is bedel dhinaca qiimaha shidaalka.

Haween ayaa ku jira dadka ka ganacsada   kaalmaha shidaalka ee Magaalada, kuwaas oo sheegay in ganacsiga shidaalka uu soo maray heerar kala  duwan.

Qiimaha  Shidaalka ee Kaalmaha iyo kuwa cagaga ee ayaa kala duwan, sida ay sheegeen ganacsada shidaalka ku iibisa Magaaladan

Warbixinta Hoos Ka Dhagayso

warbixin Maxamuud Cismaan Warsame ganacsiga shidaalka

read more...
 
1