somali_nation
LATEST:
"Somalia Nation news distinguishes itself from its counterparts by providing the latest, accurate and unbiased news that our viewers depend on" AKHRISO OO LA SOCO WARARKA SOMALIA IYO CAALAMKA
 
somali_flag

Article – Maqaal

« Prev123..............100101102103104Next »

maqaal

Bookmark and Share

(Maqaalkii hore ee cinwaankiisu ahaa Awoodda ka oomanaw ama Islaax ahaaw, waxaan akhristeyaasha u ballanqaaday Kooxaha Cabdi-adduunyo inaan qormo kasta ku falanqeyn doono laba Cabdi ama hal Cabdi, taasoo ku xiran hadba tirada bogagga, maanta waa Cabdi-NGOle)

Intii Bini-aadamku ku noolaa dunida guudkeeda, kolley waa jirtay iskaalmeyn iyo gurmad ka dhexeeya Aadmiga. Goortii la billaabay samafalka guud ee adduunka ka dhexeyn jirey lama yaqaan taariikhdii hore ee la ambaqaaday. Marka la raadraaco taariikhda casriga ah, waxaa la diiwaangeliyey nin la oran jirey Henry Dunant oo dhalashadiisu ahayd Switzerland ayaa curiyey in la unko hay’ad caalami ah oo u istaagta gurmadka degdegga ah, dabadeed 1863 waxaa la aas-aasay hay’adda Laanqeyrta Cas “ICRC” oo ka hawlgashay Qaaradda Yurub. Muhiimadda ay leedahay hay’ad gargaar oo dunida oo dhan laga aqoonsaday darteed, Boqortooyadii Cismaaniyiinta oo waagaas Shucuubta Muslimiinta oo dhan u talin jirtay ayaa 1870 aas-aastay hay’adda Bisha-Cas oo la mataaneysan hay’adda Laanqeyrta Cas.

Dagaalkii 2aad ee dunida ka qarxay wixii ka dambeeyey waxaa soo ifbaxay hay’ado samafal oo midabyo badan leh, kuna shaqeeya ujeeddo gurracan, aragti gaaban iyo arrin gablan (Multpurpose NGOs), daafaha dunida maanta waxaa ka jira kumanyaal NGOs oo sida qaalibka ah faafiya dhaqan-xumo, dhalan-rog iyo diinta Masiixiga. Macaawinada ay bixiyaan hay’adaha samafalka oo runtii ah “sun lagu suuxiyo” shucuubta dunida 3aad, waxaa ka horyimid indheergarato dhalasho ahaan oo kasoo jeeda waddamada soo koraya oo dhaqaale ahaan dib u dhac la dersay, waxaana ka mid ah:

1. Dambisa Moyo oo ah Zambia waxay qortay buug la yiraah “Dead Aid”

2. Rajiv Chopra oo ah Hindia wuxuu qoray buug la yiraah “Aid is sleeping tablet”

3. Micheal Muren oo ah USA wuxuu qoray buug la yiraah “Road to Hell”

Dambisa Moyo oo muddo dheer ka shaqyneysay Bangiga Adduunka, waxay hoosta ka xarriiqaday NGO-yada caalamka inay yihiin hay’ado ganacsi ballaaran, dadka u shaqeeya guud ahaan in lagu qiyaasay hal malyan oo qof. Sidaas awgeed lagama yaabo in la joojiyo hawlaha NGO-leyda, maxaa yeelay waa il-dhaqaale oo laga helo faa’iido joogta ah, mushahaar iyo macaash xad-dhaaf, waxay kaloo u xilsaaran yihiin inay cuuryaamiyaan cunahana qabtaan wax-soo-saarka waddamada soo koraya, isla markaana ay sumcadda [maamul iyo marayn] ka dilaan, muuqaal fool xunna u yeelaan, si aan xoolo iyo maal iska daaye, aan xarig iyo mirif loogu aaminin! Tusaale, Qaaradda Afrika muuqaalka ay ka bixiyaan oo ay adduunka ku faafiyaan waa “Qaarad mugdi ah oo ay ku nool yihiin cawaan gaajaysan, haddana sida Dixiriga u dhala!” sidoo kale waddamada Muslimka ah waxay ka bixiyaan “Jaahiliin argagexiso iyo xagjirah, oo nabadda caalamka halis ku ah”.

Ol-olihii Rajiv waa hirgalay oo wuxuu ku guuleystay 1960-yadii in Hindia laga joojiyo guud ahaan macaawinada lagu suuxiyo shacabka, gaar ahaan sandareerta NGO-leyda. Sidoo kale Micheal Muren oo sannado badan ka shaqeynaayey Soomaaliya, shaqadiisana ka billaabay Xeryihii Qaxootigii kasoo barakacay Soomaali Galbeed 1977, wuxuu buuggiisa ku qeexay macaawinada la siiyo Soomaaliya inay tahay saldhigga dhibaatada ku habsatay dalka guuldarreystay ee Geeska Afrika. Micheal wuxuu yiri Soomaaliya waxay leedahay wax-soo-saar mugweyn (bad, birri iyo xoolo) waxayna soo saari kartaa cunto ku filan oo weliba ay dibedda u dhoofin karto. Ayaandarro wax-soo-saarkii waa la dayacay, Soomaalida maanta inteeda badan waxaa loo tababaray inay daafaha dunida ka dawarsadaan oo ay noqdaan deris-ku-noole “parasite” ku

tiirsan kaalmo shisheeye.

Walow 1960-yadii Soomaaliya lagu suntay naaneys xun oo ahayd “Qabrigii Kaalmada Shisheeye” “Graveyard of Foreign Aid” haddana 1960-1977 kaalmada shisheeye waxay ku ekayd mid la siiyo dowladda ee marnaba sooma gaari jirin guryaha dadweyanaha, shacabkuna wuxuu ahaa ummad sharaf leh oo shaqeysata. Soomaalidu waxay awooweyaashii hore ka dhaxashay murti tiro badan oo ay ka mid tahay (tuugsi laguma taajiro, dawarsato dariiqyaday ku dirirtaa, toobal-caaro laguma tookho, shaxaad sharaf maleh, qof aan shaqaysan shaah ma cabo, nin soori qaadday ayaa ka xun nin seefi qaadday iyo kuwo kale). Maanta murtidaas waa laga tirtiray qaamuuska Afka Soomaalida, waxaana dan la mooday oo la doorbiday dawarsi iyo darxumo. Erayada (Imperially and Gay) qarniyo ka hor waxay ahaan jireen erayo macne iyo xikmad wanaagsan xambaarsan (Imperially waxaa loo yaqaannay boqortooyo sare, markii si xun loo adeegsaday oo boqortooyadii isu beddeshay gumeysi wax kadeeda waxay u xuubsiibatay Imperiallism oo ah eray la karhay oo la takooray. Sidoo kale GAY wuxuu ahaan jiray FARXAAN, dhallinyaradii farxaanka loo yiqiin, waxay isu beddeleen laga-roone is fuula oo haween ka kaaftoomay, erayga GAY wuxuu noqday erayga ugu xun ee maanta laysku caayo. Erayga kaalmo ama Aid waayadii hore wuxuu ahaan jirey in la kaalmeeyo dadka dhibaateysan oo dar-Alle loogu gargaaro, maanta kaalmo/Aid wuxuu isu beddelay Aids faafin, gurmadkiina wuxuu noqday gumaad iyo gaajo faafin. Tusaale sida naloo sheegay xarfaha WFP waxay ka taagan yihiin (world food programme) waxaase dunida 3aad looga aqoonsaday (wakaaladda fidinta baahida).

Guuldarradii dagaalkii 77 kadib Soomaaliya dhabarka ayey ka jebtay, waxayna noqotay sheybaarka lagu tijaabiyo waxa dhaqan-xumo adduunka ka jira, waxaa dalka ku baahay hay’ado wata magac samafal, balse ku shaqeeya ujeeddooyin gurracan. Laga soo billaabo 1991 ayey arrintu gebi-dheer ka haadday oo Soomaaliya isu beddeshay dalkii NGO-leyda “Country of NGO” waxaa la waayey dowlad awood leh iyo dad damiir wacan leh oo horjoogsada fidnada iyo fisqiga ay wadaan hay’adaha Soomaaliya buux dhaafshay gees ka gees. Tusaale, heshiiska Geneve waxaa lagu qeexay haddii dal Muslim ah loo gurmanayo in hawlgalka lagu fuliyo magaca Bisha-Cas oo ah astaan Muslimiinta loo sameeyey, haddii dal Kirishtaan ah loo gurmanayo in la qaato magaca Laanqeyrta-Cas oo ah astaanta “Cross” Masiixiga. Macaluushii Koofur-Galbeed Soomaaliya 1991-92, gurmadkii waxaa lagu fuliyey magaca ICRC oo guri, goob iyo geed walba waxaa laga taagay calanka Laanqeyrta-Cas “Cross”. Qof ama koox Soomaali ah oo arrintaas ka hadashay kolley hadda ka hor ma maqal mana arkin. Koox ka socotay Kaniisad ku taal dalka Iswiidhan “Swedish Church Relief” maba qarsan sida ay uga go’an tahay dardargelinta diinta Masiixiga, haweeney ka shaqeyneysay Kaniisaddaas ayaa ku tookhday; “wax ka yar $100 ayaa carruurta Soomaalida lagu gaalaysiin karaa!”. Degmo kasta waxaa ka hawlgalay Hay’ado sandareertada ay bixiyaan ku lammaaniya mashruuc diimeed la yiraah “Biscuit & Bible”. Halaagga ku socda shacabka Soomaaliya waxaa ka dhiidhiyey dhallinyaro waddaniyiin ah oo qaadan waayey dhegxumada taal iyo qorshaha gurracan ee la wado, dabadeed waxay faafiyeen farriin dhiillo xambaarsan oo cinwaankeedu ahaa “Kirishtaa timid ka kacaay”. Rag dadaalay Allana tala saartay oo dadkooda u gurmaday guul ma gaari waayaane, waxay kuu guuleysteen inay dhabarka ka toogtaan dhowr qof oo ka shaqeynaayey NGO-leyda aafada xambaarsan, taasina waxay hakad gelisay xawligii ay ku socotay gaalaysiinta shacabka Soomaaliyeed. Aakhiro yeelkeeda Gaal waa qof adduunka nolol fiican ku haystee, gaalaysiintii waxaa ka daray dalka waxaa lagu beeray cudurrada faafa oo dad iyo duunyo, bad iyo birri lagu baahiyey.

Maamullada taagta yare ee ku andacooda inay dalka dowlad ka yihiin, NGO-ley xiriir

qotadheer la leh oo aan la horjoogsan karin ayaa dalka ku faafiyo dhaqan xumada kufsiga iyo AIDS-ka “waxa dalka ku batay NGO-ley faafiya saxal iyo sun, sino iyo Aidhis”. Bilcaan gaajeysan ayaa la siiyaa dhowr boqol oo Dollar, dabadeed si xishood la’aan ah waxay ugu andacootaa in la kufsday. Sidoo kale wiil ama gabadh lacag la siiyey ayaa filim laga duubaa iyagoo leh waxaan la noolnahay jeermisga dhaliya AIDS “HIV” kadibna filimadii laga duubay kufsiga iyo Aids-ka ayaa adduunweynaha looga soo dawarsadaa oo dhaqaalo looga soo uruursadaa. Beryahaan Gobolka Banaadir waxaa ku badan hadalhaynta kufsiga oo runtii noqday aafo qaran iyo inkaar asiibtay karaamadii haweenka Soomaaliyeed. Madaxda dowladdu si joogto ah ayey warbaahinta uga cambaareeyaan dadka wada kufsiga, marmarna si afka baarkiisa ku siman waxay sheegaan in la dili doono dembilihii ay ku caddaato inuu haween kufsaday. Madaxda sare ee hadallada macaan iyo tororogta ku maaweeliya shacabka, waa og-yihiin faafinta kufsiga iyo Aids-ka in laga dhiirrigeliyo guryahooda oo ay hawshaas gurracan wadaan xaasaskooda iyo carruurtoodu oo leh NGOs-yada ugu waaweyn uguna awoodda badan dalka. Siyaad Barre waxaa caado u ahayd in wasiirradu ay soo kormeeraan gobollada oo ay dadweyanaha soo hanuuniyaan. Wasiir gobol loo diray ayaa magaalada loo xilsaaray waxaa ku noolaa gabdho wasiirka la dhashay oo la xanto, wuxuu dadkii kula hadalay Golihii Hanuuninta, dabadeed buuq iyo xamxam hoos ayaa goobtii ka billaabatay. Wasiirkii oo carooday ayaa ku hanjabay in dadka buuqaya oo ah Kacaan-diid la xiri doono oo ay xabsiga ku waari doonaan, geesi dadweynihii ka mid ahaa ayaa cod dheer ku yiri: “Jaalle Wasiir marka hore hablaha kula dhashay soo hanuuni”. Haddaba shacabka waxaa looga baahan yahay inay madaxada dowladda runta u sheegaan oo ay cod dheer ku dhahaan “madaxeey haweenka idiin dhaxay ee boorsada weyn garabka u suran tahay, guryahana ku leh Nairobi iyo Xamar, marka hore u sheega inay joojiyeen dhiirrigelinta iyo faafinta kufsiga iyo AIDS-ka”. Askartii Cali Keenadiid ayaa koox Geelleey ah ka qashay Hal Abeer ah, Geelleeydii waxay ka shireen wixii laga yeeli lahaa gaboodfalka Askarta, nin baa yiri; “aan Hobyo aadno oo u dacwoonno Cali Keenadiid” waxgarad waayo-arag ah ayaa saaxiibkii u caqli celiyey, wuxuuna yiri “Geelu Hobyo ayuu ka qalan yahay” oo Askarta laga soo ratibay. Faafinta fisqiga (kufsi & Aids) waxaa daadihiya NGO-ley aan tin-laga-jari karin, xaggoodana aan far nacab lagu fiiqi karin.

Cabdi-NGOle ayaa maamula “DF ama dowlad goboleedyada” dalkoo dhan madax ilaa majo, maamulka oo dhan NGOle waa ku milan yahay habaarqabe NGOlana markasta hadimo ayuu horseeda. Cabdi-NGOle ayaa qofkuu rabo dallacsiiya, qofkuu rabana daaqadda ka tuura. 2000-2012 afartii maamul-dhexe ee dalka loo dhisay, kooxdii Mbegath ee ay Nairobi kusoo dhiseen Cabdi-Tigree iyo Cabdi-Kikuyo mooyee, sedaxda kale waxaa soo dhisay NGOle Carbeed. Qodobkan aan sii xoojiyee, marka Cabdi-NGOle laga hadlayo, ha malayn inay ku kooban tahay kuwa galbeed ku xiran oo kaliya, waxaa kaloo jira NGO-ley gacansaar la leh Carabta waxayna ku xiran yihiin xafiisyo badan iyo dano kala jaad ah, oo marba shaar, shuko iyo shalamad u gaara loo xiro! Sifaha xulashadu wuxuu ahaa inay yihiin xarfaan ku xeeldheer qorshaha iyo siyaasadda NGO-leyda Caalamka, damiirkoodana ay ka maqan tahay dan qaran iyo daryeel bulsho. Tusaale, bishii Luulyo 2013 Ciidamada Keenya waxay Kismaayo ku xasuuqeen shacab tiro badan, sidii dawgu ahaa waxaa la filayey DF inay cambaareyso xasuuqaas, Soomaaliweynne ugu baaqdo inay iska difaacaan gardarrada qaawan ee cadowga soo duulay. NGO-leyda Islaax ee sheegta dowladnimada waxaa laga waayey hal qof oo ka hadla xasuuqii Kismaayo, sababtoo ah 90% xubnaha (dowlad & baarlamaan) waa NGO-ley sidata baasaboor ajnebi, gaar ahaan intooda badan waxay sitaan basaboor Keenyati, waxayna Keenya ku leeyihiin (NGO, ganacsi, guryo iyo dano kale). Dowlad iyo Baarlamaanba qof aan NGOley ahayn oo aan Keenya dano gurracan ku lahayn waxaa laga helay hal nin. Waxaa wadnaha gufeystay oo geesinimo iska baaray Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo cambaareeyey, maadaama

dadka lagu xasuuqay Kismaayo ay u badnaayeen tolkiisa, xubnihii kale waa ka xishoodeen soo hadal-qaadka waxashnimada ciidanka Keenya.

Hadday murtidii hore u ahayd: “Af wax cunay xishoo” maanta waxaa ku soo biiray “NGOle baasaboor ajnabi wataa xishoo” midda aanba xishoodka kaliya loogu ekayn karin waa in qofku marka uu arrin ama dhacdo ka xishoonayo ay daba-socoto dhaqan ama diin aragti ku salaysan, balse, kuwani xaalkoodu xishood dhaqan iyo xushmo diin midna waa ka baxsan yahay, maxaa yeelay haddii labadaa mid ka mid ah ama labadaba ay aaminsan yihiin waxaa hubaal ah in hab-dhaqankooda gurracan wax iska bedeli lahaa, balse, iyagoon labadaa midna aaminsanayn, hadday aaminsan yihiinna u aaminsan ku dangaarid iyo ishaa-falato ama jidfurasho marka albaabbada qaar ka xirmaan, ayaa ah unugga ugu weyn ee ugu wacan inaysan waxba ka dhihin dhacdadaa, kuwii ka horreeyey iyo kuwa iman doonaba, ugu horrayn inaysan dadnimadaa iyo kartidaa lahayn, tan xigtana aysan geesinnimo ay kula dhiirradaan aysan qabin, midda saddaxaad ooba dhammaan ugu muhimsan baa ah, inay dano kala duwan ku leeyihiin Kenya, ayna yihiin agoontii Aabbe Miles oo hadda u xuubsiibatay ardaydii Adeer Uhuuru, taa oo keenaysa inaan marna afka laga sheegin, il xunna lagu fiirin addinna lagu taagin, haddii kale in albaabbada laga soo xiranayo. Bal si fiican u dhuux eraga Cabdi-NGOle marka aad qodobkan oo kale duljoogta, markaa ayey si fiican kuugu caddaan doontaa ujeedka dhabta ah ee qormada ku wajahan Cabdi-adduunyo.

NGOle in uusan xor ahayn ka sokow, waxaysanba lahayn darmiir wanaagsan, taas sokow, waxaysanba ahayn siyaasiyiin u bisil hoggaamin. Muuqaalka iyo hummaagta haa, balse, maanka iyo maskaxda ka dhintey waa hore, uuna ku dhacay qalbi madoobaad ay ka dhalatay inay noqdaan hadoodil hoosta ka maran oo kale, oo aan ceebta iyo cayda ka siqsiqin, awaamiirta la siiyo haye fudud ku yeela, sandareertadana sed wacan iyo sareedo mooda. Malaha waa meesha murtida Soomaali ku daaban tahay marka ay dheheen: “Doofaar ficil la’aan ayaa loo cadaabaa!”

Idinku doqonimo iyo bahdil ka weyn ma aragteen nin sandareerto yar doonta iyo qandaraas go’i doona ku soo qaadanaya sidii uu dadkiisa, dalkiisa, reerkiisa iyo qoyskiisa u waxyeellayn lahaa? Kii dhinta oo geeri haleesho ama xabbad ku dhacday ama dawo dacday uu cunay awgeed u dhintay waa ka kifaaxay oo ka raystay silaca Cabdi NGOLe, ee kan wali u nool ee sunta suuxiska wali sugayso ayaa daran. Dhanka kale, Wadaadka Wahaabiga ah ee ku shaqaysta magaca diinta, ee Carabaha lacago uga soo qaata inuu Masaajid, Dugsiyo Quraan iyo Xannaano Agoon uu dhiso, ee bilo ka dib, afar naag, afar guri, gaari kala jiidan yeesha, xaggee ka keenay tacabkaas? Kaba sii darane, isagiina laba jibbaarmay oo uu tallaabadii gebay lugahana qaadi karin cayil awgiis. Barwaaqadaas ma duco waalid baa lagu helay mase darxumada masaakiinta? Xersi-dhuux wuxuu yiri “safna waa surweel gaab timir Carbeed saa’id ugu naaxay” Doqonimada iyo daneysiga Cabdi-NGOle mid la koobi karo ma ahan, balse, dayowga iyo dhimaalka dhaqanka ee bulshada ku dhacay, ayaa wuxuu fududeeyey in wax badan oo waagii hore laga sarriigan jiray in hadda lagu faano, lagana dhigto astaan iyo tilmaam sharaf leh, waxaana ka mid ah kuwa ka ganacsada darxumada dadka oo kasii daran Gafane iyo Dhuudhi dhiigga jaqa, maxaa yeelay waxyeellada ay inta nool u gaysanayaan ka sokow, waxay waxyeelladoodu u gudbaysaa dhallaanka dhalan doona. Bad iyo birri, dad iyo duunyo, deegaan iyo duurjoog waxaa sumeeyey Cabdi-NGOle shisheeyaha qandaraas kasoo qaatay.

Aan ku xusuusiyo mushkiladaha marax xun ku reebi dalka, Soomaaliya lagulama dagaallamin oo kaliya in mar walba xilliga dalagga beeruhu soo go’aan in la keeno Galley cagaartoy dhacday oo mucaawino lagu sheego, ee waxaa kale oo jirta oo aan

lagu baraarugsanayn in sanadihii u dambeeyey NGO-yadu inay dunida 3aad deeq ahaan u siiyeen miro abuur oo mar qura la beeri karo, dibna aan loo beeri karin illaa aad abuur kale ka hesho NGOleyda, taasoo ka dhigan markii wax soo saarkii lagaala dagaallamay, iyadoo laguu adeegsanayo Cabdi-NGOle, in haddana lagaala dagaalayo abuurkii iyo mirihii tarmi lahaa, si aad gabi ahaanba u joojiso beerista iyo abuurka oo aad ama u sacabbo hoorsato ama aad shirkadaha shisheeye ugu noqoto suuq loo iib-geeyo wax-soo-saarka reer Galbeedka, tusaale kooban si dhugmo leh ugu fiirso Qaraha Soomaaliya lagu cuno mirihiisa.

Teeda kale Kooxda Cabdi-adduunyo dhibta ay falkiyeen ee jiilka dambe dacarsan doonta waxaa ugu halis badan, beerista iyo faafinta cudurka “HIV” AIDS qofka qaba kaliya kuma ekaado, ee haddii uusan isagu bulshadada ka ilaalin ama aan la iska ilaalin ama laga ilaalin wuu gudbin karaa, taa oo ka dhigan haddii uu guursado inuu lammaanka qabadsiiyo cudurkaa, hadday ilmo dhashaanna uuba cudur-la-yaal noqonayo, illeen waaba cudur u gudba uurkujirka. Oday reer Banaadir ah ayaa loo sheegay, xaaskiisu inay tahay deysan dadka u dhexaysa, wuxuu tibaaxay erayo Alle aamin cuskan oo wuxuu yiri “Adduunka ka dheerteeda Aakhirana ka dhinaceeda” maanta oraahdaasi ma jirto oo lammaane is aamini kara ma jiraan, Aids-ka la beeray wuxuu yareeyey tarankii dadka oo waa la kala aamin baxay.

Cabdi-adduunyo, Kooxdii Manifesto ayaa ugu qatarsan uguna halis badan, waxayna abuureen hadimo jiil-ka-jiil jiri doonta. Cabdi-NGOle markaan ka hadlayno ma halmaami karno qeyb ka mid ah waxyeellada bulshadan loo gaystay aayaha damabana sugaysa, maxaa yeelay waa qatar aan ka yarayn labada tusaale ee sadarrada sare ku soo xusan, kuwaasoo 1988-1991 soo qaatay qandaraaskii ugu weynaa ee Soomaali lagu dhibaateeyey, waana Sunta Badda iyo Birriga hore loogu shubay, haddana wali lagu shubo, sida aan la soconno qandaraaskaa waxaa qaatay kooxdii Manifesto ee uu madaxa ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, oo ogaal kas iyo maag u saxiixday heshiiskaa, dhowr Malyan Dollarna ku qaatay. Shacabku wuxuu kooxdaas ku habaaray “Adduunka ceeb ku jooga, Aakhirana cadaabta ku waara, faraciina suulkii gorayoo gaabtay” Cabdi Muxumud oo habaar ku riday raggaas wuxuu yiri:

Ilaahey dhub idin sii

Dhulka idinla wada goo

Dhallaan haddaad lahaydeen

Idin dhaafe idilkood.

Dhagar-qabeyaasha loo haysto inay ku lug lahaayeen ku aasidda qashinka barriga iyo Badda Soomaaliya, kolleey kaaga sheekeyn maayo sunta Badda lagu shubay iyo tan Berrigga lagu aasey, laakiin Puntland kaliya haddaan kaaga sheekeeyo, aasidda sunta waxaa billaabay shirkaddii 1988 qandaraaskaas ku qaatay waddo dhisid meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe oo Laamiga qarkiisa lagu aasay, waxaana lagu keenay Barmiillo ama Fuustooyin laga soo dajiyey Boosaaso, waxaana lagu keenay Maraakiib Talyaanigu leeyahay, waxaana keenay Mafiyada Talyaaniga, suntaas adduunka oo dhan ayaa laga keenay, laakiin waxaa laga soo qaaday Switzarland iyo Italy. Raggii qandaraaskaas fuliyey waxaa hormood ka ahaa: 1- Cali Mahadi Maxamed madaxweynaha kooxdii Manifesto 2- Cabdirasaaq Jurille oo Maamulkii Siyaad Barre ka ahaa Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda isla markaana qaabilsanaa Mashaariicda Hay’adii FAI. 3-Dr Nuur Cilmi oo ahaa Wasiirkii Caafimaadka ee Maamulkii Manifesto. 4-Cabdullaahi Boqor Muuse. 5-John Carlo 6- iyo koox ajnebi ah oo ka socotay Mafia Talyaaniga iyo Switzerland.

Cabdullaahi Boqor Muuse King Kong, Suntii uu Soomaaliya ku aasay wuxuu ku muteystay abaalmarin weyn isaga waxaaba loo sameeyey aas qaran, oo ka dhigan in abaalgud looga dhigay qashinkii uu badda iyo berriga ku shubay. King Kong oo ku geeriyooday dalka Finiland, diyaar gaar ah ayaa meydkiisa lagu soo qaaday, waxaa laga soo dejiyey Garoonka Aadan Cadde, naxashkii waxaa la huwiyey calanka qaranka, salaadii janaasada waxaa ku tukaday madaxda sare (dowlad & barlamaanba) oo ay horkacayeen: Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka & Ra’iisul Wasaaraha, mas’uul ka maqnaayba ma jirin. Hore waxaan u soo joognay aaskii Cabdulaahi Yuusuf loo sameeyey oo lagu abaaalmariyey laguna sharfay Ciidankii Xabashida ee shacabka Somaalida xasuuqay. Cabdullahi wuxuu ku geeriyooday UAE, meydkiisii waxaa laga dejiyey Garoonka Aadan Cadde, sidii caadadu ahayd koox Madaxweyne Shariif Sh. Axmed horkacayey ayaa iyagoo qushuucsan salaadii janaasada ku tukatay, goortii meydkisii lagu aasay Gaalkacyo, Shariif Sh. Axmed oo indhahiisu ilmeynayaa ayaa halyey Cabdullaahi Yuusuf ugu magacdaray Garoonka Gaalkacyo. Dr Nuur Cilmi oo ku xijaabtay California USA, wuxuu mudnaa in sidii geesi qaran iyo halyey haybad leh meydkiisa Xamar lagu aaso, loona sharfo sidii Cabdullaahi Yuusuf iyo King Kong, mase dhicin ee sababtu maxay tahay? Cabdullaahi Yuusuf iyo King Kong waxay ahaayeen wiil-hoog Majeerteen oo laan-dheere ah, balse Dr Nuur Cilmi wuxuu ahaa wadaad Sheekhaal ah oo shaqallada aan meelnaba kaga xusneyn. Qoraagii ‘George Orwell’ wuxuu yiri “dadku abuurista waa siman yahay waase kala sareeyaan = All men are created equally, but some are more equl than others”

Ugaas baa la weydiiyey wiilasha timaha ku xiira keebaa ugu gacan qabow, wuxuu yiri “duca-qabe gacan-qabow weligi madaxey ma taaban”. Hoggaamiye duceysan oo daacad ah weligi ma fariisan daarta looga taliyo dalkan guuldareystay. Halxiraaluhu wuxuu yahay yaa eedda leh dowlad iyo dadweyne? Qof kasta fekradiisa ha soo bandhigo, waxayse aniga ila tahay eedda waxaa leh dadweynaha, Sababta aan dadweynaha eeda u saaray waxay cuskan tahay laba arrimood: marka hore garwaaqso qofka xilka hayaa inuu ka soo dhexbaxay dadweynaha, oo hadduu dadweyne aqoon leh oo ilbax ka soo dhexbixi lahaa, dabcan waa wanaagsanaan lahaa ee madaxdu waxay la xumaatay waa inuusan awalba dadweyne san ka soo dhexbixin. Sababta kale een eedda dadweynaha u saaray waxay tahay: waa shacab aan dantooda aqoon, waa shacab aan xumaanta ka dirgaxan, waa shacab qabyaaladi dilootay. Dhaqan-xumada Soomaalida waa in loo helo halkudheg ku habbon, waxaanse leeyahay Soomaalidu:

Daanaxdaanax ka talo xun

Diirato ka hunguri xun

Doofaar ka ficil xun

Dameer ka caqli xun

Digaag ka anshax-xun

Duke ka qaylo xun

Doolli ka socod xun

Diqsi ka damac xun

Deero ka fuleysan

Abdulkadir Osman “Aroma” Shirwac55@hotmail.com

read more...
 

dr

Bookmark and Share

Qof walba wuxuu nolosha ku lee-yahay sad u gaar ah. Cimrigu waa midka ugu milgaha culus oo lagu dheefsado nolosha. Calafka cimriga, xumaantiisa iyo samaantiisa waxaa qofka la wadaaga dadka la faca ah ee xilli-dhalashadooda ay isku dhowdahay.

Waxaa kaloo ku weheliya faco ka yar-yar iyo faco ka waaweyn. In-kasta oo ay yihiin saddex fac oo isa-soo gaaraya, misana wadar u-jooggoodu si siman uma muddeysna.

Faca dhallinyarada ah oo iyagu leh xilliga, ayaa waxay yihiin tamarta jaheysa bulshada. Faca ka yar-yar waxay yihiin magan u dabran wixii sooryo-gal ah oo ay helaan.

Faca ka waaweyn ayaa iyaguna waxay matalayaan bakhaaro ay ku keydsan yihiin khibrad iyo waayo-aragnimo laga doonayo inteeda wanaagsan in ay u gudbiyaan faca dhallinyarada ah.

Nolosha waxay aadamiga bartey, aabihii aanan caruurtiisa u diyaarin in ay isaga ka wanaagsanaadaan, caruurtaasi mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya waalidkood.

Waxaa lamid ah macallinkii aanan ardeydiisa u diyaarin in ay ka wanaagsanaadaan, ardeydaasi mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya kuwii wax barey.

Sidaas oo kale waxaa ah faca waaweyn ee dhallinyaradooda aanan diyaarin u diyaarin in ay ka wanaagsanaadaan, facaasi dhallinyarada ah mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya facii ka waaweynaa.

Facaadda dhallinyarada ah, waa xilli qofka aadamiga ahi uu ku sugan yahay heerkii noloshiisa ay ugu wacnaansho badan-tahay. Waa xilliga uu qofku ugu xooggan yahay, ugu fir-fircoon yahay, ugu waxbarasho badan yahay uguna wax-qabad badan yahay.

Waa xilli uu yahay gaashaan-qaad oo noloshu ay u kala-guureyso. Wuxuu ka soo gudbayaa xaalad caruurnimo oo uusan lahayn faham nolosha uu ku qiimeeyo.

Wuxuu u tallaabayaa muqdarnimo garaad uu ku fahmo qiimeynta nolosha.

Xilligaas kala-guurka ah, waxaa lagu xisaabiyaa xilliyada qofka soo mara xilliga ugu milgaha culus. Sababtu waxay tahay waa xilliga uu qofku si buuxda u hana-qaadayo oo ay ku bilaabaneyso dareenka ah in uu nolosha wax ku lee-yahay.

Wuxuu bilaabayaa in uu dibadda soo dhigo qaabkii uu ku midabeyn lahaa khibradihii yaraa iyo aqoontii uu nolosha ku kasbadey, isla-markaas uu raadinayo aqoon dheeri ah.

Wuxuu markaas adeegsanayaa awoodda caqliga ee curdanka ah iyo awoodda jirka ee xooggan, isaga oo marka hore baadi-goobaya kororsi waaya-aragnimo, marka xigana fayiigsi iyo ficil wada-jira ku tiigsanaya timaaddada.

Isla-xilligaas qofka dhallinyarada ah wuxuu bilaabayaa guda-galka dhisid qoys si uu uga qeyb-qaato tallaalka abuurkii uu kaga qeyb-geli lahaa nolosha bulshadiisa.

Xilligaas hore, gudaha jirka qofka dhallinyarada ah waxaa ku dhacaya is-beddello xooggan.

Waxay ka muuqanayaan naqshadda xubnaha iyo qaabka uu jirku u shaqeynayo (physical & physiological changes).

Meesha u horeysa ee laga dheehanayo waa kala duwanaanshaha jinsiga lab iyo dheddig, kuwaas oo maraya laba marxaladood (primary & secondry).

Dhecaanada (hormons) jirka gudihiisa ku qubanaya ee ku howlan is-beddelka la xiriira koritaanka xubnihiisa, waxay raad ku yeelanayaan qaab-dhaqanka iyo fekerka qofka dhallinta-yar.

Dhallinyaradu waxay la gaar yihiin, faca ka waaweyn in ay ka tira badan yihiin, ka xoog weyn yihiin, kana dadaal badan yihiin.

Waxaa intaas u dheer, baxsadka uu sabab u yahay ka carar ciilkii caruurnimo oo ay tagtadooda ka soo mareen. Iyo u fara-baxsiga timaaddada oo ay sabab u tahay dheygag leh fayiigsi xooggan iyo dheehasho damac weyn oo xiiso iyo xaraka miiran ah si ay joogtadooda uga yeelaan sahaydii timaaddadadooda.

Nolosha qiimaheeda waa xilliga dhallinyarada la yahay. Macna weyn ma ayan lahaateen haddii uusan xilligaas jireen.

Waa xilli ayan riyada noloshu ka dhamaan, noloshuna xushmad dheeri ah ayay u heysaa qofka dhallinyarada ah.

Waa ay soo dhoweysaa hadba inta uu isaguna soo dhoweeyo nolosha. Taasi waxay ku abuurtaa dhallinyarada, iyaga oo dhiirran in ay mar-walba doonaan guul. Meel-kasta waa ay u maraan iyaga oo u huraya qaali iyo raqiis.

Guushuna waxay saaxiib la tahay oo ay soo dhoweysaa kuwa iyada raadinaya.

Marka ay dhallinyaradu caafimaad qabaan, waa ay u hunguri dheer-yihiin nolosha. Hal-abuurka wanaagsan iyo hanqal-taagga miisaaman ee dhallinyarada waxaa ka faa´iideysta bulshada.

Awooddaas ayaa bulshadu waxay kaga gudubtaa nolol harraad, halamash iyo hagardaamo badan oo ay hamuunyona u dheer-tahay. Waxay u gudbaan nolol leh hiraal wacan iyo hillaac hal-dhisyo lagu doogsado. Ooraah ayaa jirta:

” Noloshu waxay isu kaa tusineysaa sida aad adigu u dooneyso iney kuugu muuqato ee isu kaa tusi-meyso sida ay iyada u dooneyso in ay kuugu muuqato ”.

Qosolka iyo farxaddu waa ay ku badan tahay nolosha dhallinyarada, maxaa yeeley nolosha ayaa waxay ka doonayaan in ay ka helaan qosol iyo farxad.

Sidaa darteed, iyaga waxaa u muuqata fursadaha nolosha.

Haddii ay gartaan in fursadahaasi ay iyagu lee-yihiin, markaas waxay ku dadaalaan sidii ay u laaci lahaayeen.

Haddii ay dhallinyaradu yihiin kuwo ka badbaada-qaba aragtida cunsuriyadda ah (fir-sooc) iyo midda curyaannimada ah (saama-jiid) waxay jecleystaan in ay magac hagaagsan sameystaan, intii magac loo sameyn lahaa ama ay dhaxli lahaayeen magac fac ka horeeyey ay ka tageen.

Faca dhallinyarada ah waxaa mar-walba ku tallaalan doonis in ay dhanka wanaagsan u midab-beddelaan nolosha facii ka horeeyey, intii ay dhex-fadhiyi lahaayeen nolol ah soo-arag ku-joog.

Waxay jecel yihiin in ay fir-fircooni muujiyaan, intii ay noqon lahaayeen xan iyo xin u-joog.

Dhallinta caafimaadka qabta waxaa ku yar tilmaamaha guracan oo bulshada ka dila han-tiigsiga nolosha, kuwaas oo damaca khariban iyo fuleynimada ay ugu horeeyaan.

Xasuusta dhallinyaradu waa ka maran-tahay dhacdooyinkii lurka badnaa ee xilligii caruurnimada.

Indhahooduna maahan kuwo qabanaya xaaladda lahanka badan ee xilliga waayeelnimada.

Noloshooda waxaa u badan dareen la xiriira timaaddada, kaas oo ay uga dhex-muuqdaan nolol ku asqeysan nayaayiro iyo naallood.

Maxaa yeeley waa faca ay noloshu u qosleyso ayna soo dhoweeneyso.

Iyagu waxay lee-yihiin awood ay ku gaaraan har-gal nololeed iyo qurux walba oo ay jantaan. Shidaalka xooggan oo korkoodu uu sahayda u wato wuxuu sabab u yahay, in dhallinyaradu ay yihiin kuwa libta u keena bulshadooda.

Aamusnaantooda waxaa ku naaxa gafanayaal aanan arxan lahayn ee bulshada gaarsiiya nabarro xanuun badan.

Guuxa dhallinyaradu waxaa ku nasta maatada ku liidata nolosha.

Dhallinyaradu waa matoorkii nolosha iyo tamartii dhismaha bulshada.

Xooggoodu wuxuu lamid yahay tamarta korontada ee gidaarrada qolalka lagu diyaariyo.

Tamartaas ayaa waxay tahay mid ka shaqeysiisa frijiteer (qaboojiye) iyo kaawiyad (kululeyso) hadba kii la-doono.

Waxay ka shaqeysiisaa idaacad (maqal-tebiye) iyo telefishan (muuqaal-tebiye) hadba kii la-doono.

Waxay ka shaqeysiisaa taleefan (hadal-tebiye) iyo kombyuter (maqal- iyo muuqaal-tebiye) hadba kii la-doono. Waxay ka shaqeysiisaa marwaxad (bankad) iyo saacad (gooreyso) hadba kii la-doono. Waxaa jirta ooraah oraneysa:

” Kala-garo in noloshu ay tahay qaddar jaan-go´an iyo dhacdooyin leh sababo. Qaddartana aamin, dhacdooyinkana wax iska-weydii ”

Tamarta korontada ah, awood mid ah ayay ku sahleysaa adeegsiga dhamaan agabkaas kala duwan in si kala duwan, oo nafac kala duwan leh loogu intifaacsado dhacdooyin kala duwan.

Dad sababaha dhacdooyinka is-weydiiyey ayaa hal-abuurey. Xoogga dhallinyarada waa ceynkaas oo kale.

Waa tamar bulshadu lee-dahay oo meel u yaal.

Marka qaddarta la rumeeyo, sababaha dhacdooyinkana leys-weydiiyo, xoogga dhallinyarada, bulshadu waxay uga faa´iideysan kartaa qaab walba oo maslaxaddeeda ah.

Bulshadu markii ay aragti haboon curiso, dhallinyaradu waa xoogga waaqica u beddela.

Markii ay bulshadu dagaal curiso, dhallinyaradu waa kuwa gulufka hor-kaca. Markii ay bulshadu nabad curiso, dhallinyaradu waa kuwa hubka dhiga. Markii ay bulshadu hiraal curiso, dhallinyaradu waa kuwa suragal ka dhiga.

Waxaa xeerarka nolosha kamid ah in xilli qof lee-yahay uusan gooreysan-karin qof kale. Sidaas si lamid ah ayaa facna uusan u bililiqeysan karin xilli uu lee-yahay fac kale. Haddeyse dhacdo waxaa u sabab ah nabarro ay la curyaameen ee weheliya faca la bililiqeystey.

Waxaa hubaal ah in faca howl-gabka ah ay lamid yihiin qorrax ka soo baxdey cirifyada adduunka, xilli qaboobe ah iyada oo dhulku uu baraf ceegaago.

Qorraxdaasi waa suuragal in laga helo kaahii maalinnimo.

Laakiin waxaan laga helynin tamartii iyo kuleylkii socod-siin lahaa nolosha dhulka oogadiisa ah.

Dhallinyaradu waa rajo ku-nool iyo timaaddo-sugayaal ah.

Waayeelkuse waa xusuus iyo tagto ku-nool, rajaduna ka madowdahay. Haddaba bulshadii ay dhallinyaradeedu ku wareeraan aragti ma-dhaleys ah ee aan waaqic ahayn, wakhtigaa ka dayacma.

Bulshadii dhallinyaradeedu ay guul-wadayaal u noqdaan kuwo daneystayaal ah, waa ay halaagsantaa.

Bulshadii dhallinyaradeedu ay is kooxeeyaan, dabadeedna koox waliba ay dhankeeda ka raadiso in ay kooxda kale ka guuleysato, waxaa ka baaba´a awooddii ay kula tartami lahayd dhiggooda. Xilligii dhallinyarada Soomaaliyeed ay caafimaadka qabeen waxaa ereyadoodii kamid ahaa:

Aboorkuba alleylkuu dhisaa aqallo waaweyne

Markuu ururey daartuu ebyaa la ashqaraaraaye

Ilkuhuba wada-jirkey hilbaha adag ku gooyaane

Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma fiinteene

Itifaaq la´aan laguma helo lib iyo iimaane

Indhahaad isku arkeysaan cadaawaha isaga eega

Ha ordina´e xaajada sidii aydinta u raaca

Ha ekaanina´e talo ninkii odhan karow dhiibta

Abtirsiimo reer hebel iyo odey ku faan daaya

Indho-fura hurdada waa waxaad ku ibtilowdeene (Xaaji Aadan Af-qallooc)

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Midnimo

Dr. Saadiq Enow

read more...
 

Faroolle

Bookmark and Share

Sida aan dhammaanteen ka warqabno waxaa Ilaahay idankiis dhawaan Puntland ka dhici doona doorashooyin ay rag badani u xayd-xaydanayaan!! Madaxweyne Faroole ragga jagadaas u sharraxan waa ka mid, waana kan kaliya ee ilaa & hadda la soo tijaabiyay oo la ogyahay waxa uu Puntland ka geystay muddadii uu talada hayay. Aan soo koobee, Mucjizo anigu ma sheegin, laakiin Madaxweyne Faroole waa galbaday. Waxaa hubaal ah in uu mari doono waddadii ay maraan raggii isaga ka horeeyay oo uu Cadde Muuse u dambeeyay. Dhanka kale rag kale oo badan ayaa ilaa & hadda ku dhawaaqay in ay jagadaas u sharraxan yihiin oo ay doonayaan in ay Madaxweyne Cabdiraxmaan kursiga uga dambeeyaan. Laakiin raggaas ma yihiin kuwo baddali kara Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole?

Si loo saadaaliyo cidda ku guulaysan doonta madaxtinimada Puntland, waxaa lama huraan ah in wax badan la rog rogo, meelo bandanna wax laga eego, balse marka hore bal aan laba arrimood oo kaliya is weydiino.
Arrinka hore: Qofka jagada ugu saraysa maamulka Puntland isu sharaxaya muxuu u baahan yahay? Si furan oo kaftan ku jiro aan uga jawaabo: Musharraxu wax weyn uma baahna!!. Waxa uu u baahan yahay in dhawr jeer uu qado samayn karo oo waxoogaa dad ah kulmin karo. Waxa uu u baahan yahay dhawr Nabadoon oo hawl-kar ah oo shaqaysan kara & intoo kale oo nin garbood ah oo hor orda!! Wuxuu kaloo u baahan yahay in waxoogaa kharash ah intuu bixiyo in qaar ka mid ah Buqbuqooyinka (Idaacadaha) loo yeero oo ay (Waa sida hadalka ay u dhigaane) uu cod dheer ku yiraahdo MUSHARRAX ayaan ahay oo waxaan u taaganahay in aan u tartamo kursiga Madaxweynaha Puntland!! Ha iloobin intaas waxaa dheer oo looga baahan yahay Musharraxa dhawr wiil oo soo gubtay oo Tikniko ku ilaaliya si loo ogaado in hawshan ay dhab ka tahay!!

Haddii aan kaftan dhablahaas ka gudbo, musharraxa waxaa laga doonayaa in uu la yimaado qorshe & siyaasad xoog leh oo uu ku kasban karo inta badan codka 66 ka xildhibaan ee Baarlamaanka. Musharaxu waxa uu u baahan yahay dhaqaale uu ku hawl galo & rag bulshada dhexdeeda magac ku leh oo uu isku hallayn karo hawshana la wada muddada uu hardanka ku jiro. Musharaxu waxa uu u baahan yahay dhawr ka mid ah Isimada magaca weyn ku leh Puntland ee la xushmeeyo oo garab istaaga & taageerada qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Puntland sida Jeneral Cadde Muuse (Waa laga yaabaa in arrinkan ay dad badan igu khilaafaan).
Arrinka labaad: Haddii aan kaftanka ka soo tago……………Dhab ahaan yaa baddali kara Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole?

Sida ay aniga shakhsi ahaan ila tahay Madaxweyne Faroole waxaa baddali kara qof ka mid ah jiilka cusub oo ka aragti duwan odayaashii hore noo soo maray! Waxaa baddali kara shakhsi nadiif ah, dadku ay aamini karaan, aqoon maamul leh, hawl kar ah, ummadda u dhaxayn kara. Madaxweyne Faroole waxaa baddali kara qof daacad ah oo dalkaan in uu ka xoolaysto aan rabin, caddaalad dalkaan ku dhaqi kara oo hore loo soo tijaabiyay.

Xaqiiqada markii aan u daadagno dhammaan dadka hadda ku dhawaaqay in ay yihiin Musharrax oo uu ka mid yahay Dr. Cabdiwali Gaas ma buuxin karaan inta badan shuruudaha aan kor ku soo sheegay!! Haddaba mar haddii xaalku sidaas yahay oo ay rajadu hoosayso xalku ma in Faroole loo daayaa? Maya taasi marna xal ma aha mana noqon karto………………..Laakiin waxaa hubaal ah in dadka reer Puntland aan wali khayrkii ka dhammaan, oo Ilaahay idankiis ay imaan doonaan rag xayn ah oo shuruudahaas buuxin kara oo aan kala doorano.

Zeinab Abdirazak
zeinabats@gmail.com

read more...
 

Bookmark and Share
Azhari_2013Somaliaby Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) Friday, March 01, 2013 Afeef iyo mahadcelin Wixii dhaliilo iyo turxaan ah oo qormadaani la timaaddo waxaa iska leh qoraaga, wixii bogaadin ahna waxaa ila wadaaga intii af ahaan, Ra’yi ahaan iyo Taariikh ahaanba ila turxaanbixisay. (more…)

read more...
 

Bookmark and Share
Warahby Rasna Warah Monday, March 04, 2013 Fellow Kenyans, On Monday you will decide who will run this country for the next five years. It is a huge responsibility. This is no ordinary day. (more…)

read more...
 
« Prev123..............100101102103104Next »